Hargeysa, 12 Feb, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in wada-hadalladii dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya dabayaqaada bishan dib uga furmayaan waddanka Turkiga, halkaas loogu ballansan yahay in lagaga wada-hadalo qodobbo xaasaasi ah oo lagu soo qaaday shir madaxweynayaasha labada waddan ku yeesheen waddanka Jabuuti dabayaaqada sannadkii hore.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shalay kulan saxaafaddu dibad-joog ka ahayd la qaatay Guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada, ayaa markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay inay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada ka wada-hadleen Arrimaha Siyaasadda Dibadda dalka, kaas oo ay ka mid ahaayeen shirka wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo loo ballansan yahay 26-ka bishan inay dib uga furamaan waddanka Turkiga.“Waxaanu kala tashanaynay Shirka soo socda oo annaga iyo Xamar isugu iman doono Turkiga 26-ka February. Arrimihii aanu ka wada-hadalnay waxa ugu weynaa in la soo afjaro lagana wada-hadlo arrimaha masiiriga ah ee Somaliland. Waxa ka mid ahaa in la ballaadhiyo oo caalamka kale na soo dhex-galaan aanu doonaynay, haseyeeshee ay oggolaadeen uun Jabuuti haddii loo baahdo,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis.
Waxa kale oo uu ka hadlay hadallo ka soo yeedhay Dawladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu yidhi, “Xasan Sheekh wuxuu xaafadihiisa ugu sheekeeyo, wax annaga naga khuseeyaa ma jiraan, xaqna wuu u leeyahay oo wuxuu doono halkaas wuu ka odhan karaa, cidduu la hadlayaana waa dadkiisa, annaga Somaliland baa lana yidhaahdaa. Xasan Sheekh halkan kama taliyo, sheekada Xamar ka dhacda inaynu isku mashquulinno looma baahna, Xamar hadday tidhaahdo Hargeysa iyo Somaliland baanu keenaynaa, Hargeysa iyo Somaliland wax go’ lagu qaado ka weyn. Haseyeeshee, Somaliland waxa ka go’an gooni-isu-taaggeeda iyo inay qaddiyadeeda horumariso.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment