Hargeysa, 01 Feb, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay dhambaallo hambalyo iyo qaar lagu bogaadinao kaga heshay beesha caalamka qabashada gaadiid Milatari iyo Hubka aan la aqoonsan cidda iska leh oo saaran markab agab laga dejinayey oo ku soo xidhay dekedda Berbera 24-kii bishii hore, kaas oo xukuumadda Somaliland xilligan baadhis ku waddo.

Wasiirka oo shalay warfidiyeennada kula hadlayey Hargeysa, waxa uu Hadalka ka soo yeedhay maamul-goboleedkaas ku ku tilmaamay mid sii xumaynaya Xidhiidh aan cago badan ku taagnayn ee ka dhexeeya Somaliland iyo Maamulka Puntland.
“Waxaan leeyahay Hadalkaasi waa hadal dabayshu soo qaaday oo Il-duuf ah oo aan meeshiisii ahayn, kaas oo ku gabood falaya Xidhiidhka aan markii horeba ahayn mid qoto dheer oo ka dhexeeya dadka deriska ah, waana mid ay Caadaysatay Puntland,” ayuu yidhi Wasiir Caddami, waxaanu intaas ku daray, “Ciidanka Badda Somaliland iyo Ciidamada kaleba iyo Maamulka Dekedduba wuxuu ku amaanan yahay Markab tuugo ah oo Badeecaddiina la saraysiiyay Hoostana Hubka la dhigay inay ogaadeen.”
Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland la wareegi doonto Markabka haddii aan la caddeynin cidda iska leh hubka saaran markabka oo tallaabada laga qaadayo uu tusaale ugu soo qaatay markab wakhtigan ku daxlaystay duleedka Berbera oo nus-qarni ka hor lagu helay musuq-maasuq, kaas oo dawladdii wakhtigaasi la wareegtay.
“Waa Qiso soo laba goor noqonaysa oo markabkii la odhan jiray Lord Bairen oo dekedda Berbera sidaas si le’eg Raashinkii ay dadka u qaybin jirtay Inji, ayaa qaybna la soo raray qaybna lagu iibiyey badweynta, waa la qabtay markabkii, kabtankiina wuxuu ku dhintay Berbera, markabkiina wuxuu ku dhintay Berbera, tanna halkaasay gaadhi doontaa oo kabtanka iyo markabkaba waa la waayi ama xaqiiqada Runta ah bay sheegi doonaan,” ayuu yidhi.
Wasiir Caddami, waxa uu waxba kama jiraan ka soo qaaday miisaanka shakhsiyadeed iyo maamul ee loo maray eedaymaha loo yeediyey Somaliland, waxaanu yidhi, “Malaha Ninka Puntland u hadlay ma yaqaan Shuruucda Badaha, waxaan filayaa inuu yahay Qolyaha Xoolo raacatada ah.”
Wasiirku waxa uu hanjabaad u jeediyey maamul-goboleedka Puntland, waxaanu yidhi, “Tuhunno aanay u qalmin ayay Puntland dusha ka saaraysaa Somaliland, waana macaamilo xumi keenaysa hadhow inaan waxba laysaga tudhin oo haddii aan la joojin dhaqan-xumadaas socota, waxaanu ku khasabanaanaynaa, mid waliba inta ay le’eg tahay inaanu kaga jawaabno.”
Xukuumadda Somaliland, ayaa wali baadhis ku haysa Markabka Hubka lagu qabtay oo lagu magacaabo MV Shakir, kaas oo dekedda Berbera ugu soo xidhay badeecado ay leeyihiin ganacsato reer Somaliland oo lagaga rogayey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment