Wednesday, March 4, 2015

“Dadka hadba Ninkii xukuumada ugu jira ayaa matala,Abiib iyo Samaale haday is casileena saaka waxaan u malaynayaa inaan wasiir u ahay Reer Gabiley” Wasiir Muuse Qaasim

Hargeysa:March,04,2015(Himilo)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Muuse Qaasim, ayaa gees iskaga duway warar Warbaahintu qortay oo sheegayey inuu iska casilayo xilka uu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka Hayo.

muuse qaasimWasiir Muuse Qaasim oo maanta la Hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inaanay jirin wax iscasilaad ah oo uu maagan yahay, waxana uu carrabka ku adkeeyey inuu madaxweynuhu xaq u leeyahay isku shaandhaynta iyo xilka-qaadista Wasiirradiisa,

“ Maalmahan waxa magaalada ku jirtay in Layidhi wasiirka Ganacsiga ayaa is casilaya,warkaas Ku Tiri Kuteenta ah Ayaan Doonayay inaan halkan ku beeniyo Warkaasna waxba Kama Jiraan,Aniguna Nin is Casilaya Mayihi sabab Aan sku Casilaana Meesha Mataalo waan Argtidayda Gaarka Ah. madaxwaynahu waxa uu Awood u leeyahay inuu dastuurkuna Siinayaa in Golahiisa wasiirada kala Badalo Qaar Cusubna Magacaabo waa Awood Madaxwayne Siilaanyo,Markaas Xaqiisii Dastuuriga Ahaa ayuu gudanayaa,Markaas wax Saamayn Ah oo ay aniga ugu yeelatay Majirto.”ayuu yidhi Wasiir Muuse Qaasim.

Mudane Qaasim oo hadalkiisa sii wata, ayaa xusay inaanu qabin saluuga ay hore u muujiyeen Wasiirradii wasaaradaha Maaliyadda iyo Warshadaha oo iyagu hore isu casilay, waxana uu yidhi,

“Saaxiibaday Hadii ay Qaarkood Saluugeen Xilkii loo dhiibay kolayna saaxiibtinimadu ujeedooyin badan ayay leedahay dadkuna wax badan ayay wadagaan wax badana way ku kala duwan yihiin,anigu waxaan u arkayn dhacdadaas dhacday iyo isku shaan-dhayntaas lagu sameeyay wax caadi Ah.”

Wasiirka oo ka Hadlay Saamaynta Labadaas masuul ee ayku gobolka kasoo jeedaan ku yeelan karaan Xukuumadda iyo Gobolka Gabiley-ba ayaa sheegay inaan waxba loo noqon doonin, waxana uu yidhi,

“Walaahi Hortu Gobolka Gabiilay waa gobol wayn qof iyo labatoona gobolku uma xidhna oo yacnii dad badan ayaa ku nool gobolka saamayn badana lama odhan karo way ku yeelan karaan,dadkuna hadba Ninkii xukuumada ugu jira ayaa matala,Abiib iyo Samaale haday is casileen saaka waxaan u malaynayaa inaan wasiir u ahay wax is badalina kama iman karaan.”

Maalmahan waxa warbaahinta kala duwan ee dalku qoraysay inuu Wasiirka Ganacsigu yahay masuulka xiga ee iscasili doono, waxase taas meesha ka saaray Wasiirka Laftiisii oo qiray inuu xilkiisa sii haysan doono.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment