Saturday, March 21, 2015

Hoos U Dhac Ku Yimi Magangelyo Doonkii Soo Geli Jirey Jasiiradda Malta

geloValleta:Mar,21,2015(Himilo)-Jasiirrada Malta, ayaa si ramsi ah u shaacisay in hoos udhac weyni ku yimi Magangelyo doonkii sida joogtada ah waddankeeda usoo geli jirey muddooyinkii dambe.

Saraakiisha Xagga socdaalka u qaabilsan, ayaa sheegay in qiyaastii  40% hoos ay u dhaceen tirada dadkii magangalya doonka ahaa oo ay Soomaalidu ka mid ahayd kuwaa oo sanad walba gaadhi jiray wadankaasi.

Haddii sanadkan 2015 loo eego sanadkii 2013 waxaa muuqda in xadi ahaan ay yaraadeen Soomaalidii gaadhi jirtay Jaziirada Malta, kaliya sanadkan waxaa Malta gaadhay Libya (420), Syria (305) iyo Somalia (130) sida ku cad warbixinta dowlada Malta.

Qaxootiga ka kala imanaya wadamada Syria iyo Libya ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa sanadkan ugu badan ee gaadhay Jazriiada Malta, halka Soomaalidu hore ay u ahaayeen kuwa ugu badan ee halkaasi gaadha.

Dhanka kale marka laga soo tago Jaziirada Malta , wadamada kala ah Hungry, Sweden, Italy, iyo France oo qaarada Yurub kuwada yaala ayaa noqday wadamada ay gaadhaan qaxootiga Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ka socda wadamada colaaduhu ay kajiraan sida Syria, Libya iyo Ciraaq.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment