Saturday, March 21, 2015

Ma Qaliinkaa Diidan Beelweynta Muuse Dhariyo, Mise Iyagaan U Qalmin Mise Waan Loo Quudhayn Saamigoodi Xil Wasiirnimo?

Asalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakatu, Marka Hore Waxa Aan Salaamayaa Dhammaan hawl-wadeenada Warbaahinta Xorta Ah Ee Reer Somaliland Iyo Akhristayaasha Sharafta mudan bacdal salaan, waxa qalinka igu kallifay maanta inaan qalinka u qaato qormadan ama maqaalkaygan, “Ma Qaliinkaa Diidan Beelweynta Muuse Dhariyo Mise Iyagaan U Qalmin Mise Waan Loo Quudhayn Saamigoodi Xil Wasiirnimo ?”
Ilaa iyo maalintii dib ula soo noqoshadii xornimada Somaliland sanadkii 1991 ilaa iyo maanta oo sanadku yahay 2015, Reer Somaliland Oo Wax Ku Qaybsada Nidaamka Qabaa’ilku Siday Uga Dhex Muuqdaan Xukuumadda Siilaanyo. Beelaha Muuse Dhariyo
Saamigii dalka waxa kala qaybsaday saddexdan beelood aan soo sheegi doono oo kala ah Beesha Dhexe oo loo yaqaano (Beesha Isaaq), Beesha Galbeed xigta oo ah Beelaha (Samaroon iyo Ciise) iyo Beesha bari xigta oo ah Beesha (Daarood iyo warsangelay), waxa aan filayaa in cid walba ka dharagsan tahay sida beesha dhexe, beesha galbeedka iyo beesha beri, ay maanta keligeed iskugu taxday dhammaan xilkii dawladnimo ee Somaliland iyada oo beelaha muuse dhariyo ee dalka degani ugu dulman yihiin dawladda Somaliland, Waxa aan u soo jeedin lahaa Dawlada Somaliland in ay dib ugu noqoto habka saami qaybsiga laamaha dalka si ay Somaliland u noqoto qaran ugana baxdo meel ay ku adeegsato beel kaliya.
Waxaan Ku Soo Gabagabaynaya Maqaalkayga, Waxaan Ka Sugaynaa Inay Ilaaliso nidaamka Saami Qaybsiga Beelaha U Dhashay Somaliland oo Dhamaan Saami Qaybsiga Beelaha Dalka ay Beel Welibana uga Dhexmuuqto Saamiga Iyo Talada Dalka Somaliland si caddaalad ah.
Wabilaahi Taqwfiiq
Mohamed Abdi Jama
Mohamedudoode@Hotmail.Com
Hargeysa/Somaliland

Himilomedia.com
Hargeysa

No comments:

Post a Comment