Wednesday, March 4, 2015

Masuulkii Saddexaad oo 3 Cisho Gudahood Iska-casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Sababaha uu Cuskaday

“Wax laga fiirsaday oo cid dalkan iyo dadkan u tudhaysaa arrin ay keenaan ma ahayn ee gebigiisaa wada maqluub ahaa, dadka la keenay, kuwa ka tegay meesha waad arkaysaa inaan Cilmi iyo Caqli midna lagu samayn…” Wasiirkii Wershadaha Abiib-Timo-Cad

Hargeysa, 04 March, 2015 (Himilo)- Wasiirkii Wasaaradda Wershadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Timo-cad), ayaa Salaasadii shalay shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkaas uu Qaranka u hayey ee Madaxweynuhu u igmaday, ka dib markii uu arkay qaladaad iyo in talada dalka Madaxweyne Siilaanyo cid kale ku weheliso sida uu ku dooday, waxaanu noqonayaa Masuulkii saddexaad ee tan iyo Sabtidii toddobaadkan oo saddex cisho gudohood ah iska casila Xukuumadda talada haysa.
downloadWasiirkii hore ee Wasaaradda Wershadaha Abiib-Timo-cad oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay isku siyaasad ahaayeen Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isaguna diiday inuu aqbalo, iskana casilay Xilka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo uu Madaxweynuhu u beddelay Niskii dambe ee Habeennimadii Sabtidu soo gashay oo ku beegnayd kawdii bishan March 2015-ka.
Waxaanu Abiib dhalliilay Digreetadii Madaxweynuhu ku sameeyey isku-shaandhaynta, magacaabista iyo xil-ka-qaadista ee u dambaysay, taasoo uu ku dooday inaanay talada Madaxweynaha oo keliya ku iman ee cid aan dalka iyo dadka toona u tudhaynini ku lammaanayd ama door ku lahayd sida uu sheegay, taasina ay keentay dheelli siyaasadeed oo ay ka mid tahay sababta uu isu casilay sida uu hadalka u dhigay.
“Anigoo ah Abiib Diirye Nuur ahna Wasiirkii Wasaaradda Wershadaha waxaan iska casilay xilkii aan Qarankan u hayay ee uu ii igmaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ka dib markii aan arkay in wax si yihiin oo wax khaldan yihiin, ayaan go’aankan gaadhay. Maahmaah Carbeed baa tidhaahda; ‘Haddii Dabbaakhyadu Bataan Maraqaa Xumaada’ meesha Kuugtii baa ku badan oo iska hor iyo daba-wareeg ah. Inay ku badan yihiinna waxaad ku garanaysaa wax wal oo ka soo baxaaba waa gurrac oo maqluubkuu u shaqaynayaa, macnuhu maaha si toosa, waxaanad arkaysaa talooyin wada qaldan.” Sidaa ayuu yidhi Abiib-Timo-cad.
Wasiirkii hore ee Wershadaha Abiib Diiriye Nuur, waxa uu intaas ku ladhay oo yidhi; “Markaad ka soo qaaddo isku-shaandhayntii ugu dambaysay dabcan waad arkaysaa wax laga fiirsaday muu ahayn, wax laga fiirsaday oo cid dalkan iyo dadkan u tudhaysaa arrin ay keenaan ma ahayn ee gebigiisaa wada maqluub ahaa, dadka la keenay, kuwa ka tegay meesha waad arkaysaa inaan Cilmi iyo Caqli midna lagu samayn. Ka dib markii aan arkay waxyaabaha noocaas ah oo wax weliba maqluub u shaqaynayo, ayaan go’aankan gaadhay inaan iskaga nasto.”
Abiib-Timo-cad oo ka jawaabayey inuu hore u sheegay in haddii Madaxweynuhu Shaqaale hoosaad ka dhigo qaadanayo, waxa hadda uu uga hor-yimi ee keenay is-casilaaddiisa iyo xidhiidhka ka dhexeeya is-casilaaddii Samaale, waxa uu yidhi; “Erayga ah Madaxweynuhu hadduu Biyo-tooni ii magacaabo waan qaadanayaa waan idhi, laakiin isbeddel baa iman kara, markaa wax baa is-beddelay oo waayo ayaa yimi, waayo hadduu yimaaddana dabcan waxbaa is-beddelaya, sidaa darteed baan go’aankan ku gaadhay. Aniga iyo Cabdicasiis Samaale isku siyaasad baannu ahayn, isku mid baannu ahayn, inkasta oo aannu laba qof kala nahay, haddana dad isku siyaasad aamminsan baannu ahayn, immikana waannu nahay. Xisbiga KUKLMIYE Golihiisa dhexe ayaan ku jiraa, Guddigiisa Fulintaan ku jiraa, Raggii ugu firfircoonaa baan ahaa, waanan ahaanayaa oo kama tegayo.”
Mar Abiib-Timo-cad la weydiiyey haddaanu Madaxweynuhu soo saarin Isku-shaandhayntan ugu dambaysay sida uu sheegay waxa uu ku caddaynayo iyo cidda uu leeyahay way soo saartay ee aan Madaxweynaha ahayn cidda ay tahay, waxa uu yidhi; “Haa Sidaasaan qabaa inay cid kale ka soo baxday oo aanay Odayga (Madaxweynaha) ka soo bixin, ee dad aan waayo-arag ahayn oo aan xog-ogaal ahayn oo dalkan iyo dadkan aan ka war-hayn wax la soo maray, wax jiraa iyo halku u socdo midna aan ka war-hayn baa waxan keenay oo sameeyey. Markaa, Talaanno isugu tegaynaa Aniga, Reer Gabiley iyo Shacabkuna, waanannu ka tashan doonnaa (sidan wax loo wado).”
Abiib Diiriye Nuur waxa uu sheegay inuu yahay ninka keliya ee reer Somaliland ee Afartii dawladood ee Somaliland soo maray-ba uu Wasiir ka noqday oo uu ugu dambeeyey xilkan uu shalay iska casilay, labada nin ee ku soo xigaana yihiin Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo Wasiirkii arrimaha dibedda Xukuumaddii Daahir Rayaale, kuwaasoo iyaguna saddex Xukuumadood xilalka Wasiirnimo ka soo qabtay. Sidoo kalena uu ka mid ahaa Halgamayaasha Ururkii SNM, sidaa awgeedna ay dalka iyo dadka-ba lexe-jeclo badani ka hayso oo aan ka hayn dad badan oo wakhtigan Xukuumadda iyo Golayaasha dawladda Somaliland ka tirsan sida uu ku dooday.
Waa Masuulkii saddexaad ee tan iyo Sabtidii oo ku beegnayd 1-dii Bishan Maarso 2015-ka, shaaciya inuu si rasmi ah isaga casilay Xilkii uu ka hayey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaana Abiib Timo-cad ka hor is-casilay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliaydda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo iska casilay xilka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo uu Madaxweynuhu u beddelay iyo La-taliyihii gaarka ahaa ee Madaxweynaha Somaliland u qaabbilsanaa arrimaha Beelaha La-hayb-sooco Barkhad Jaamac Xirsi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment