
Ms. Greening ayaa sheegtay inaanu jirin dhaqaalaha gaar ah oo waddan kasta oo loogu talo-galay, balse ay taageeradan ka hawl-galaan khubaro badan oo wasaaraddeeda ka tirsan, kuwaas oo dalalkaas ka caawiya hawlo la xidhiidha cashuuraha, sida siyaasadaha iyo la-talin siiyaan wadamadaa.
Saraakiil ka socota Waaxda Horumarinta iyo hay’adda Gar-gaarka Dibadda u qaabilsan dawladda Ingiriiska ee DFID oo horaanta bishii Febarwari ee sannadkan socdaal ku yimi Somaliland, iyada oo la kulmay wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Samaale. Waxaanay kormeer ku samaynayeen mashruuc lagu magacaabo Dhiirri-gelinta Dhakhli-ururinta oo ay wasaaradda Maaliyadda ka wada-shaqeeyaan hay’ad laga leeyahay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Smith International, taas oo qandaraas lagu siiyey inay wasaaradda kala shaqayso kor-uqaadista dakhli-ururinta.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment