
Tirada Kooxaha Xildhibaanka Weeraray ayaa lagu sheegay inay ahaayeen ilaa iyo 4-Qof, waxana ay isla markiiba ka yaaceen Goobtii ay xildhibaanka toogashada ugu geysteen.
Dhaawaca la gaadhsiiyay xildhibaanka ayaa la soo sheegayaa inuu yahay mid aad u halis ah, iyadoo ragga weeraray Xildhibaanka ay ahayeen qaar wajiyada soo dabooshay oo aan la aqoonsan Karin.
Xildhibaanka ayaa la sheegay in dhaawacyo kasoo gaadheen madaxa, garabka iyo mid ka mid ah gaacmihiisa, waxaana dhaawiciisa lagu daweynayaa Aga Khan Hospital oo ku yaalla badhtamaha magaalada Nairobi.
Nicholas Gumbo oo ka mid ah xubnaha baarlmaaanka Kenya ayaa sheegay inaanu doonayn inuu wax ka sheego arrintan illaa ay ciidanka booliisku warbixin ka soo saaraan baadhitaannada ay haatan ku hayaan dhaawaca xildhibaanka.
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa mudanaha ka soo saaray isbitaalka Karen oo markii hore la dhigay, iyagoo u soo wareejiyay Aga Khan Hospital. Iyadoo la sheegay in xalaaddiisu ay u muuqato mid wanaagsan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment