“Waddaadadana anigu waan ka baqaa, imikana waan iskaga baqayaa, oo…”
Hargeysa, 03 March, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ba’an u weeraray Wadaaddada oo uu ku eedeyey inay iska leeyihiin masuuliyadda dhibaatooyinka bulshada ka haysata caqabadaha dhaqan-dhaqaale ee ku gedaaman noloshooda, isaga oo sheegay inay gacanta ku dhigeen dhammaan adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, Maceeshadda iyo Shidaalka.
Muuse Biixi Cabdi oo Madal laysku arkay oo uu hadal ka jeediyey si gaar ah ugu bartilmaameedsaday wadadaadda, waxa uu u soo jeediyey inay bulshada u horseedaan ku-dhaqanka iyo dabba-qaadda Sunnaha suubban iyo waajibaadka Diinta Islaamku farayso umadaha Islaamka, maadaama iyaga oo kutubta iyo ku-dhaqankii Diinta Islaamka bulshada ku waaninaya, haddana ay qayb ka yihiin dhiirri-gelinta arrimo badan oo Diinta iyo dhaqanku farayaan in loo hoggaansamo.

Guddoomiye Muuse Biixi oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Cullimooy siyaasaddiina waad soo gasheen, haddaba sidee ayaa loo kala nabad galayaa. Su’aashu waxay tahay idinkaa garoonkii iskeenee sidee loo kala nabad-galayaa? Taa cid kale ayaa ka talin doonta. Aniga cullimadu waa cullimadaydii oo waa niman wanaagsan uun, meeshay yimaadaanba way ku wanaagsan yihiin.”
Muuse Biixi oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaasku daray, “Mid baanse odhanayaa maanta dabaqadda dalka u sareysa ee dhaqaalaha lihi waa culimada oo tacliintii, isgaadhsiintii, dhakhaatiirtii, bakhaaradii iyo kaashkii idinka ayaa haya, haddaba xadiiskiina waad haysaan oo intaa waad na waanisaan oo waxaad leedihiin danyarta iyo agoomaha hala daryeelo. Dugsiyada aad dhigaysaan ee diinta lagu baranayo, dadku wax haka wada barto, oo kii doolar haystaana yuu wax ka baran, kii doolar waayaana yuu qadin, ee walaalayaal tacliinta ina wada gaadhsiiya. Bakhaarada cuntada idinka ayaa soo dejiya, ictikaadkuna waa xaaraan, oo waad taqaaniin, baayacmushtar badan oo dhiig-miirad ahina waa xaaraan oo waa kii aynu ka dagaalanay, mar haddii aad cullimadii tihidiin cuntadu yaanay inagu qaaliyoobin ee inoo jabiya, Illaahay ka yaaboo, shidaalkii culimo ayaa keenta, adduunkii wuu ka jabay, inagana insha allaahu wuu inaga jabi doonaa,” Sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kale oo uu intaas ku daray, “Illaahay cullimada ha inoo barakeeyo, sharaf iyo cisina ha u sii siyaadiyo, maalkana Alle ha u sii badiyo, iyagaa inoogu dhaw cid wax haysee.”
Hadalkan Muuse Biixi oo ku soo beegmay Subaxnimadii Sabtidii ee bilowgii todobaadkan oo la kowsatay Digreeto Isku-shaan-dheyn, magacaabis iyo Xil-ka-qaadis Xambaarsanayn oo madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey Golihiisa Wasiirrada, waxaana shakhsiyaadka digreetadani saamaynta ku yeelatay ka mid ah Wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo loo beddelay Wasaaradda Waxbarashada, balse markii dambe ka cudur-daartay inuu xilkaas qabto sababo uu ku xidhiidhiyey inay cidi madaxweynaha ku kalliftay xilka la beddelay ee wasaaradda Maaliyadda,
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment