“Alla maxay iska ba’day ooy balanbashay, ballaayadii dhashayna meeday? Bal halkay dhigtay ilmaheeda eega. Naa wuxu miyaanay beer lahayn? Walee taasaan hooyo ahayn.” Waa hadalo hanjabaad iyo habaar leh oo ka soo yeedhayey haween dagganaa xaafad ka mida xaafadaha. Waa halka ilmo yar oo gabadha la dhigay. “Naa maxaynu yeelnaa? Sidaynu nidhaahnaa ilmahan yar? Halkaynu se gaynaa?” Bay tidhi mid ka mida haweenkii isku soo ururay meeshu. ”Dee mooyi. Halkaynu gaynaa?” “Dee askarta haynu u gayno.” Bay haddana mid kale ugu warcelisay. “Armoo naa la yidhaa idinkaa halkan dhigay.” Ayey haddana mid kale la soo boodday.
Waa arooryo hore. Waana xilliga shaqooyinka, suuqyada iyo dugsiyada loo dareero. Gayn mayno iyo waynu gayn sidii la isku lahaa bay ku soo baxday Gaasira oo salad sidata una socota dhinacaa iyo suuqa, si ay u soo iibsato adeegii guriga. Gurigeedu ma buu ka fogayn halka ilmaha yar la dhigay. Uba soo dhawaatay buuqii iyo sawaxankii dumarka meesha iskugu soo ururay. Rag goobtaa wuu soo istaagayey balse waxba kamay soo qaadin way eegaan waanay dhaafaan.
Qaarna waxay yidhaahdaan, ”Naa ordoo meesha ku kala dareera. Qaylo, buuq iyo sawaxan uun baad miciinsataane howlahiina ku kala faafa. Ubadkiinaa idiin baahane daryeela iyaga.” Waaba isku wada af. Kii soo istaagaaba hadalkii kii kale buu yidhaa wadnahoogu waaba dhagax qalallan. Ma ilmahan yar baa haddaa u baahnayn daryeel iyo dugsi?! “Maxaynu samaynaa iyo ilmahan yar sidaynu nidhaa?” Maskaxdooda yar way ku soo dhici wayday. Alla waa markaan idhaa, “Yaa ragga cagaf wada mariya?!”
Intay aad uga naxday bay tidhi, “Alla bisinka naa maxaa meesha ka dhacay?” “Ilmo yar baa habo meesha la soo dhigay.” Bay gabadh yar oo xidhan balcaddii dugsiga ugu warcelisay. “Alla toloow miyey nooshahay?” Ayey haddana Gaasira oo dhidid waawayni ka soo booday kula haadday tii yarayd. “Haa habo way nooshahay.” Uguba war celisay. “Sawaxankan iyo qayladan naga daayoo maxaynu samaynayaa? Naa miyuu arrinkani idinku cusub yahay? Halkeed afka gacanta iskaga galiseen.” Ayay cod dheer ku tidhi oo mar kaliya la wada aamusay dhinaceediina la soo wada eegay.
Mabay sii war-waraysane dumarkiiye inta ay ilmihii yaraa haf ka siiyey bay tidhi, “Boolis …..Boolis uun baad haysaane, anigaa qaadanaya ilmahan yar.” “Jaqaaq….. Jaqaaq.” Buu intaa ilmaha yari hayaa oohintiisuna waa mid aad ka jidhiidhicoonayso oonad u adkaysan karayn. “Naayaa Gaasira, Gaasira halkeed ula boodday? Ilmaha yar iska dhig. Armoo dhibaato kaa soo gaadhaa.” Bay tidhi mid ka mida haweenkii intay qoorta kala soo dhex baxday dumarkii meesha iskugu soo ururay, hadalkiiba kamay sii gurine gurigeedii bay dib ugu noqotay, iyadoo ilmihii yaraana sidata ujeeddaday u socotayna ka soo jeedsatay. Soo ba gaadhay gurigeedii albaabkii gow… gow… gow…. kaga siisay. “Naa iga fur bal albaabka Hodaneey.” iyaday ku ogayd guriga inay joogto oonay tagin waxbarashadeedii xalay oo dhan bay is dilayeen mid kor uga roonayd cadhaabay la soo toosi wayday oo maxay ugu qasbi wayday inay tagto Waxbarashadeeda oo maxay haddaa dhangad ula gali wayday? mooyiye Hodan oo ilna isku haysa ilna kala haysa baa tidhi, “Waa ayo dee qofkan xilligan garaacayaa albaabka muxuu ahaa?” …………………………………… La soco qabta danbe hadduu Eebbe ogolaado.
Faadumo Buuni
libaaxo.77@gmail.com
Hargaysa, Somaliland
Himilomedia.com
No comments:
Post a Comment