“Immika waad aragtaanoo saddexdayada Guddoomiye ee halkan fadhiyaa isku beel baannu nahay, waxa la odhan doonaa waa Garxajis shiraya, dee waa inaan…” Eng. Faysal Cali Waraabe
“Xukuumaddan Somaliland ka talisa waxa innagaga filan, waxay garan-wadayday inta Ninkii Dhegaha la’aa gartay ee uu yidhi; ‘inaan gardaranahay waxaan ku garanayaa dadka oo dhan baa faraha igu soo fiiqaya.” Md. Xasan Ciise Jaamac
“Maxaa kallifay inaynu shirkan qabanno? Shirka inaynu qabanno oo talo is waydiinno waxaa kallifay ka dib markii heshiiskii Asxaabta iyo Xukuumadda …… ka dib markii Xukuumadda Somaliland ku fashilantay inay taariikhdii….” Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Hargeysa, 26 July, 2015 (Himilo)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyo Siyaasiyiinta Madashada Wada-tashiga ku bahoobay, ayuu shalay Hargeysa uga furmay Shirweyne ay sheegeen in lagaga tashanayo sidii loo sixi lahaa waxa dalka iyo dadka ka qaldan, nidaamka siyaasadeed, khilaafyada ka taagan dib-u-dhaca doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada, muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyey labadaas hay’adood oo aan la isku waafiqin iyo hirgelin la’aanta heshiis ay 28-kii May wada galeen Xisbiyada iyo Xukuumadda talada haysa iyo qodobbo kale.
Shirkaas oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiyada WADDANI, UCID, Taageerayaashooda iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga ku bahoobay, ayaa ka furmay Huteel Dalxiis ee magaalada Hargeysa, waxaana furitaankii shirkaas hadallo ka jeediyey labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaradka ah, Madaxweyne Ku-xigeenkii u horreeyey ee Somaliland yeelato iyo Musharraxa u taagan jagada Madaxweyne Ku-xigeenka UCID, kuwaasoo ka warramay muhiimadda shirkan, duruufaha iyo sababaha loo qabtay iyo weliba talada looga baahan yahay inay ka soo baxdo.
Ugu horreyn Guddoomiyaha UCID Eng: Faysal Cali Waraabe oo shirka furay, ayaa ka hadlayey sida nidaamka caalamiga ah iyo dhaqanka Suubban ee Siyaasadda iyo dhaqanka Somaliland uga baydhay, waxaanu yidhi; “Dawladdii waxa la odhanayaa waa la hadlayaa toban baa hadlaya, midba waxa uu doono ayuu ku hadlayaa, Asxaabtu waa caynkaas oo kale qof kastaa iska hadlaya, Adduunku sidaas maaha, waa in siyaasad iyo nidaam lagu socdaa, Baarlamaankeenni ku shaqayn maayo Siyaasaddii Xisbigiisa, tii degmadiisa ku shaqayn maayo, waxaynu nahay dad bilaa nidaam ah, ummad bilaa nidaam ahina dawlad ma dhisi karto.”
“Dawladeheennii hoosaa baabba’ay, Biyo ma haysanno, Laamay ma haysanno, Geed Garan-waa ah baynu iska jari kari la’nahay. Ummad qayilaysa oo qabyaaladaynaysaa waxba ma qabsan karto. Markaa, waxa weeye canaanta waynu wada leenahay, wixii lagu sixi lahaa iyo talo-soojeedintii waa inaynu maanta labada Xisbi hadday wax isla hayaan oo aynu nidhi innagaa wax beddelayna waa inay keenaan wixii ay ku beddeli lahaayeen oo sidaas baa fiican in loo shaqeeyo ay noqotaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.
Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey nooca Siyaasadda loo baahan yahay in Siyaasiyiinta Somaliland ku dhaqmaan iyo dhibaatada qabyaaladda waxa uu yidhi; “Laakiin, Siyaasad maaha hebel baa gaadhi iibsaday, Siyaasaddu waxa weeye annagu waxaas baannu qabanaynaa, waxaas baa qaldan ee waxaas hallagu beddelo. Bahasha Qabyaaladdu way inna xushay, Qabyaaladna waad ogtihiin halka ay Soomaali dhigtay. Waxan aynu maanta samaynaynaa dawladda kujiqsii maaha, ku xumee maaha, waa waxaynu talin lahayn ee aynu odhan lahayn waar maa waxaas la sameeyo, waar maa waxaas la saxo…… markaa, waa inaan talooyinkii keennaa.”
“Waddadii waynu ka baxnay, himiladii dadka waynu ka baxnay, Shacbigeenni wuu niyad-jabay, Somalilandnimadi way innaga baxday, qof weliba naftiisuu u ordayaa, qof u ordaya oo dan guud ka hadlayaa ma jiro. Haddaynu nidhaahno, cashuurta yar ha cunin ee anigaa cunaya, sidaas dal laguma dhisi karo. Dumarkeenni Dhakhtar ma haystaan, Carruurteennu garoommo ay ku ciyaaraan ma haystaan, Suuqyadeennu waa madaw, Carruurteennu waxay ku dhammaadeen Saxaraha, intii ka badbaaddayna way wada waasheen, anigaa immika Jarmal ka imi oo dad iyo dugaag-ba way ka tageen, Xashiishadda ayay badi wada iibiyaan.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay in Saddexda Guddoomiye ee labada Xisbi Mucaarad iyo Madasha Wada-tashiga sida uu hadalka u dhigay ay isku beel yihiin, isla markaana loo turjuman karo shir u gaar ah xubno isku beel ah marka Guddoomiyeyaasha loo eego, waxaanu yidhi; “Waxa loo baahan yahay inaynu wax noqonno inaynu isu muuqanno maaha. Immika waad aragtaanoo saddexdayada Guddoomiye ee halkan fadhiyaa isku beel baannu nahay, waxa la odhan doonaa waa Garxajis shiraya, dee waa inaan Taswiirtaa beddelnaa, waxa innaga qaldan bay ka mid tahay.”
“Markaa, way innaga qaldantaye manatee waxa weeye dal ma dhisannaa oo waddan ma dhisannaa, ama dadka yeynaan hodin. Waxaan leeyahay dawladdu yey sas ka qaadin shirkan, innagana dawladda ku xumee ha innaga baxdo, dawladda caydeedu ha innaga baxdo, waa inaynu ra’yi keennaa, waa inaan talo keennaa, talaa la innaga rabaa, Insha Allaahu talo fiican baannu keeni doonnaa, ajandaha waan ku noqon doonnaa, si qalbi saliim ah baannu ku shaqayn doonnaa Insha Allaah.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa isaguna Shirkaas furitaankiisii hadal ka jeediyey, ayaa sharraxaad dheer ka bixiyey sababaha keenay inay Mucaarad ahaan shirkan qabtaan iyo duruufaha ku qasbay iyo weliba waxa laga filayo inay ka soo baxaan.
“Maxaa kallifay inaynu shirkan qabanno?, shirka inaynu qabanno oo talo is waydiinno waxaa kallifay ka dib markii heshiiskii Asxaabta iyo Xukuumadda ee Shacbigu ku farxay ee soo afjaray khilaafkii muddo-kordhinta Xukuumaddu ka baxday, ka dib markii Xukuumadda Somaliland ku fashilantay inay taariikhdii ku qabato doorashooyinka, kuwaasoo beddeli lahaa Hay’adaha Dastuuriga ah ee Somaliland, hadday tahay Baarlamaan iyo hadday tahay Madaxweyne-ba kadib markay u muuqatay inaanay Xukuumaddu rabin inay doorasho qabato, taasoo khatar gelin karta nidaamka geeddi-socodka Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii ay u muuqatay in dalkani ku jiro marxalad adag oo u baahan talooyinkii lagaga bixi lahaa.” Sidaa ayuu yidhi Cirro.
Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo sii watay hadalkiisa, waxa uu yidhi; “Waxay labada Xisbi ku qanceen inay tahay xilligii ugu habboonayd in la qabto shir talo la isku waydiinayo. Talooyinkaas oo hufan oo aan cidna loogu dan lahayn in lagu maago. Laakiin, lagu badbaadinayo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa halkan yaalla hawlo badan ama kuwa doorashada ha noqdeen ama kuwa wakhtiga doorashada ha noqdeene. Qarankan waxaa masuul ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, markaa mushaakilkaa is biirsaday waxay waajib ku tahay Madaxweynaha Somaliland inuu soo bandhigo sidii looga bixi lahaa, annaguna waxaannu ku biirin taladii lagaga bixi lahaa.”
Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horreeyey ee ay Somaliland yeelato, kana tirsan Siyaasiyiinta Madasha Wada-shiga Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa ka hadlay shirkaas, waxaanu yidhi; “Xisbiyada Mucaaradka ah, waxaan ku tahniyadaynayaa Shirkan quruxda badan ee khayrka qaba ee ay innoo bilaabeen, aad iyo aad baad u mahadsan tihiin. Qodobbada ajandaha noogu jira ka sii hor-dhici maayo oo guda-gali maayo, wakhti baynu u heli doonnaa haddii Illaahay yidhaahdo aynu ka boganno oo aynu falanqayno. Eray uun baan halkan ka sii odhanayaa oo ah; Xukuumadda maanta Somaliland ka talisa waxa innagaga filan inay Sharafta Shirkan qaadato oo ay judhii ugu horreysay ee la soo dhigay aqbasho. Xukuumaddani waxay garan-wadayday inta Ninkii Dhegaha la’aa gartay ee uu yidhi; ‘inaan gardaranahay waxaan ku garanayaa dadka oo dhan baa faraha igu soo fiiqaya.”
Xisbiyada Mucaaradka iyo Madasha Wada-tashiga, ayaa toddobaadkii hore muddeeyey inay qabanayaan shir ay ugu yeedheen Shirweyne Qaran, hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland ayaa is-hortaagtay oo heegan gelisay Ciidammada Ammaanka, ka dib Masuuliyiinta Xisbiyada UCID iyo WADDANI, ayaa Dacwad u gudbiyey Maxkamadda Sare ee Somaliland, waxaanay Maxkamadda oo Khamiistii u fadhiisatay Dacwaddaas go’aamisay in Sharciyan aanay Xisbiyada Mucaaradku qaban karin Shirweyne Qaran, sidoo kalena aanay Xukuumaddu Xisbiyada ka hor-istaagi karan Shirar ay iyagu Xisbiyo ahaan u gaar ah sida uu Sharciga dalku dhigayo, go’aankaas oo ay labada dhinac-ba sheegeen inay aqbaleen, ka dib ayey Shirkan shalay u furmay yeesheen Mucaaradku, waxaana la dhawrayaa nooca nitaajada ka soo baxda iyo waxay ka beddeli karto xaaladda siyaasadeed ee wakhtigan Somaliland ka taagan.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment