Hargeysa July 23, 2015 (Himilo)-Shirkii ay ku baaqeen isbahaysiga mucaaridka somaliland ayaa saaka ku bilaabmay jawi ka duwan kii laga filayay inuu shirku ku bilaabmo.shirkani ayaa ku bilaabmay socod lug ah oo ay masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ahi ku tageen maxkamada sare ee somaliland.
Xisbiyada Mucaaridka Ee UCID iyo WADDANI ayaa Dacwad ka gudbiyay masuuliyiin ka tirsan xukuuumada oo iyagu ku hanjabay inaanay shirkaasi qaban karin, isla markaasina ay xisbiyada mucaaridku halkaasi u tageen inay ka qayb galaan dhageysiga dacwada ay ka gudbiyeen Madaxda wasaarada amniga.
maxkamad sare ayaa iyadu xisbiyada mucaaridka ah u ogalaatay in ay qabsadaan shirarka isbahaysiga mucaaridka iyadoo ka diiday inay qabtaan shir qaran.
Go’aanka maxakamada Sare ka dib markii lagu dhawaaqay waxa ka falceliyay masuuliyiintii ka socday Xukuumaadda waxaanay sheegeen inay aqbaleen goaanka maxkamadu ku dhawaaqday, isagoo wasiirka arimaha guduhu sheegay in Hotelada ay ku qabsan-karaan mucaaradku shirkoodii ay ku baqeen,waxa iyana soo dhaweeyay Go’aanka Maxakamada Masuuliyiinta xisbiyada mucaaaradka Somaliland, iyagoo goobta ka sheegay inay ku faraxsan yihiin sida cadaalada ah ee uu guddoomiyaha Maxakamada Sare uga gar-naqay dacwadaa, waxaanay shacabka Somaliland ugu baqeen inuu hagaagay Garsoorkii Somaliland ee laga caban jiray.
Guddoomoye Cirro iyo ku-xigeenkiisa,Musharax Jamaal Cali Xuseen oo wuu weheliyay Ku-xigeenkiisa Md. C/rashiid Xasan Mataan oo war-baahinta la haddlay ayaa u sheegay inuu shirkii ay isbahaysiga mucaaradku ku baqeen ku bilaamay socod kuna dhammaan doono fadhi , waxaanay iyagoo faraxsan markale lug ugu jarmadeen dhankaa iyo xafiiska guud ee xisbiga UCID oo ay cabaar ku hakadeen waxaan barxadii hore ee xafiiska soo buux dhaafiyey boqolaal tageerayaasha mucaaradka ah oo ku farax sanaa go’aanka ka soo yeedhay maxakamada Sare ee Qaranka.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment