“Madaxwayne Halkeed ku Maqnayd Wali Wiixi Dadku kaa Sugayeen Kamaad Jawaabin, ee Goormaad qabanaysaa doorashadii.”Guddoomiye Cirro
Hargeysa July 26, 2015(Himilo)-Guddomiyaha golaha wakiilada ahna guddomiyaha Xisbiga WADDANI Ayaa iska fogeeyay eedo uu usoo jeediyay madaxwayne Siilaanyo.
Madaxwayne Siilaanyo Ayaa saaka Sheegay inuu la yaabanyahay sababta guddoomiyaha golaha wakiiladu u xaraantimeeyay mudo kordhinta loo sameeyay madaxwayne Siilaanyo iyadoo golaha wakiilad laba jeer guurtidu mudo kordhin u samaysay.
Guddomiyaha golaha wakiilada oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inaanu madaxwayne Siilaanyo ka hadal barnaamijkii umadu ka sugaysay oo ahaa wakhtiga doorashada la qabanayo.
Guddomiye Cirro Waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaasi uga yimid madaxwaynaha isla markaana waxaa uu madaxwaynaha usoo jeediyay inuu qabto doorashooyinka Dalka “Saxaafadu way baadhi doontaa Kamaradaha iyo rikoodhada,ma jirto mar aan idhi madaxwaynaha mudo kordhintiisu waa xaraan tayduna waxaa xalaal, madaxwaynuhu wuxuu yidhi dalka anaa ka masuula anaguna intaasi ayaanu lahayn oo aanu ku celcelinaynay, Madaxwayne dalka adaa ka masuula doorashadiisa,nabadgalyadiisa, madaxwayne doorashadii qabo”Ayuu Yidhi Guddomiye Cirro.
Guddomiye Cirro Waxaa uu intaasi Raaciyay “Madaxwaynuhu muu sheegin xiliga doorashada la qabanayo, waxaanu ku leenahay wax waliba wakhtibay leeyihiin waxaanu soo jeedinaynaa wakhtigii doorashada inoo qabo.”
Guddomiyaha Golaha wakiilada waxaa uu madaxwaynaha kula taliyay in umada u baahantahay in kuraasta loo baneeyo isla markana looga baahanyahay inuu dalka doorasho ka qabto “Umadu waxay u baahantahay in loo baneeyo kuraasta kaaga iyo kaygaba, Arinta doorashadu 99% waxay saarantahay madaxwaynaha, xeerarku waxay ka yimaadaan dhinaca fulinta,xeer aan anigu gacanta ku hayaa ma jiro, Goluhuna sida ay ku doodaan ama madaxwaynuhu ku doodo,waxay leeyihiin 54mudane haday dhab ka tahay madaxwaynaha in xeerka la ansixiyo intaasaa ku filan”Ayuu Yidhi Cabdiraxmaan Cirro.
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu waxaa uu su’aal galiyay in madaxwayne Siilaanyo dalka ka maqnaa “Waxaan is waydiinayay madaxwaynuhu muranbaa ka jiray dalka,mudo kordhinbaa jirtay khilaafbay abuurtay mushkiladaa jira,gobolada qaar xasilooni daraa jirta, maanta ka hor xaguu ku maqnaa madaxwaynuhu, Madaxwayne Halkeed ku maqnayd wali wixi dadku kaa sugayeen kamaad jawaabin, ee goormaad qabanaysaa doorashadii madaxwayne”Ayuu Yidhi Guddoomiye Cirro
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment