Tuesday, July 28, 2015

Maamulka Togdheer oo Caddeeyey inaanay Wacyigelinta Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaashu ka socon guud ahaan gobolkaas iyo Doodda Guddiga doorashooyinka

“Hawshii wacyigelinta diiwaangelinta sidii aannu ugu tallogalnay iyo qorshahii aannu u dhignay ayey ku socotaa, wax istaagay ama khilaaf ka dhashay ma jiraan. Hadallo dad waayey Qandaraaskii wacyigelintu…” Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan
“…Waxay yidhaahdeen gadaal baannu ka soo sheegaynaa, balse illaa hadda nalamay soo xidhiidhin. Sidaa awgeed, magaalada Burco ma jirto hawl wacyigalinta diiwaangelinta ah oo ka socotaa…” Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye
Hargeysa/Burco, 28 July, 2015-(Himilo)- Wacyigelinta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka oo ay Guddiga doorashooyinka Qaranku shaaciyeen inay bilaabantay 21-kii bishan aynu ku jirno ee Julay, kana bilaabantay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaan la arag meel ay ka socoto, waxaana Wargeyska Himilo oo u kuur-galay hadday socoto sida ay u socoto iyo hadday hakad gashay sababta ay u hakatay wax ka weydiiyey hawshan Guddoomiyaha Guddigaas iyo Maamulka gobolka Togdheer.
Ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya inaanay dadweynuhu arag meel ay ka socoto wacyigelinta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee ay Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ku shaaciyeen Shir Jaraa’id oo ay Axaddii toddobaadkii hore ay ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa, maalintaas oo ay u sii baxayeen Safar ay ku tageen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Afar Xubnood oo Guddiga doorashooyinka ka tirsan, ayaa Axaddii toddobaadkii hore markay shirka Jaraa’id ku qabteen Hargeysa ka dib baxay oo gaadhay magaalada Burce ee xarunta gobolka Togdheer, halkaas oo ay ka sheegeen inay bilaabmayso wacyigelinta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo ay Dhaqaalaha ku baxaya ka taageerayso ama ay bixinayso Hay’adda IOM, taasoo ay dadweynaha reer Togdheer iyo Maamulka gobolkaasi midna arag meel ay ka socoto sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen.
Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo Khadka Taleefanka xalay wax kaga weydiiyey sababta hakisay Wacyigelinta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka ee ay hore u shaaciyeen inay ka bilaabeen gobolka Togdheer, ayaa ku dooday inaanay jirin wacyigelin istaagtay, isla markaana ay u socoto sidii ay ugu talo-galeen.
“Hawshii wacyigelinta diiwaangelinta sidii aannu ugu tallogalnay iyo qorshahii aannu u dhignay ayey ku socotaa, wax istaagay ama khilaaf ka dhashay ma jiraan. Hadallo dad waayey Qandaraaskii wacyigelintu shegayaan, ma doonayo inaan sii dhexgalo.” Sidaa ayuu yidhi oo uu ku jawaabay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka jawaabayey Su’aasha Wargeyska Himilo weydiiyey.
Balse, Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo sidoo kale, Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo Khadka Taleefanka wax kaga weydiiyey sida ay gobolkaas uga socoto wacyigelinta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, waxaanu faahfaahin ka bixiyey sida hawshaasi tahay, waxaanu yidhi; “Guddiga Doorashooyinku way ku dhawaaqeen in wacyigalinta diiwaangalintu ay magaalada Burco ka bilaabayaan, waanay yimaaddeen dhawaan Burco, khudbadna way ka jeediyeen, balse hawshii may bilaabmin.”
“Waayo? May sheegin waqtiga hawsha la galayo iyo cidda (NGO) wacyigalinta samaynaysa ee ay siiyeen iyo shaqaalaha ka shaqaynaya, waanay noqdeen oo waxay yidhaahdeen gadaal baannu ka soo sheegaynaa, balse illaa hadda nalamay soo xidhiidhin. Sidaa awgeed, magaalada Burco ma jirto hawl wacyigalinta diiwaangelinta ah oo ka socotaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye oo ka jawaabay su’aasha Wargeyska Himilo ka weydiiyey arrintaas.


Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment