Kismaayo, 16 August 2015-(Himilo)- Madaxweynihii hore ee Maamulka Jubbaland Sh. Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe), ayaa ku guuleystay doorashada Madaxtinnimo ee Maamulkaas markii labaad, taasoo shalay ka dhacday Xarunta gobolka Jubbada hoose ee Kismaayo ee dalka Soomaaliya.
Doorashada oo ahayd mid qarsoodi ah, ayaa waxaa codeeyey 74 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka ku-meel-gaadhka ah ee Maamul-goboleedkaas, iyadoo Axmed Madoobe uu helay 68-cod oo ka mid ah codadkii ay dhiibteen Xildhibaannadu.
Waxaa Axmed-Madoobe la tartamayey saddex Musharrax oo kale oo u taagnaa Jagadama Madaxtinnimada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, hase-yeeshee, wuu ka guulaystay, ka dib markii uu helay tirada ugu badan ee Codadka ay Xildhibaannadu bixiyeen, waxaanay codadkaas u kala heleen sidan:- 1. Sheekh Axmed Madoobe waxa uu helay 68-cod, 2. Hiloowle Aadan Maxamuud waxa uu helay 2-cod, 3. Cismaan Xuseen Fayruus wuxuu helay 2-cod, 4. Maxamed Cismaan Yuusuf oo aan wax cod ah helin, sidaas ayaanay ku hadheen saddexda Musharrax ee la tartamayey Axmed-Madoobe.
Guddiga doorashooyinka Maamulka Jubbaland, ayaa sheegay in laba cod ay xumaadeen, sidoo kalena shaaciyay in wareeggii koowaad ee doorashada uu ku guuleystay Sheekh Axmed-Madoobe. Waxaanay Musharrixiinta aan guulaysan ee tartamayey xuseen in Natiijada doorashada ay ku faraxsan yihiin, isla markaana ay hambalyeynayaa Musharraxa ka guulaystay ee Madaxweynaha loo doortay Sh. Axmed-Madoobe.
Doorashada ayaa waxa goob-joog ka ahaa Xubno ka socday Beesha Caalamka, iyadoo sidoo kalena ay goob-joog ka ahaayeen Xildhibaanno ka socday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaana markii natiijada lagu dhawaaqay ka dib isla hoolka doorashadu ka socotay lagu dhaariyey Axmed-Madoobe oo laba sano oo hore si ku-meel-gaadh ah xilkaas u soo hayey, markanna noqonaya markii labaad ee isla jagada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland loo doorto.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment