Lampedusa, 16 August, 2015 (Himilo)- 40 Qof oo Tahriibayaal Afrikaan ah, ayaa ku dhintay Badda Mediterranean-ka ee dalalka Liibiya iyo Talyaaniga u dhaxaysa, ka dib markii ay la degtay Doon yar oo ay ku safrayeen Sabtidii shalay sida ay caddeeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidammada Badda ee dawladda Talyaaniga.
Tahriibayaashan, ayaa ka safray Xeebaha waddanka Liibiya oo ay Doonta yar ee Badda kula dhex-gaddoontay ka raaceen, iyagoo u jeeday dhinaca dalka Talyaaniga si ay u beegsadaan waddamada Qaaradda Yurub oo ay inta badan Muhaajiriinta ka haajira Qaaradda Afrika iyo dalalka Carabta qaarkood naftooda ku biimeeyaan inay Yurub gaadhaan.0
“Hawlgalku wuu socdaa, Tiro Tahriibayaasha ka tirsan ayaa la badbaadiyay, ugu yaraan 40 qof oo ka tirsanaana way dhinteen.” sidaa ayaa lagu yidhi Qoraal kooban oo ay Ciidammada Badda ee Talyaanigu ku qoreen Bartooda Twitter-ka. Halka Wargeyska Corriere Della Sera oo ka soo baxa Talyaaniga uu isaguna qoray in dadka dhintay laga helay qaybta hoose ee Doonta ay ku safrayeen.
Sidoo kale, Wargeyska ayaa baahiyay in Doonnida ay ku waajahnayd Jasiiradda Lampedusa oo ku taalla Koonfurta waddanka Talyaaniga, waxaanu intaas uu ku daray in 300-qof oo Magangalyo-doon ahi saarnaayeen Doontaas.
Weriyaha Telefishinka RAI ee Talyaaniga oo la socday Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin Ciidammada Badda Talyaaniga, ayaa sheegay in Doonnida oo 21-Mayl u jirtay Xeebaha dalka Liibiya si aad ahna u buuxday ay bilawday in ay degto.
Markab kuwa Ciidammada Badda Talyaaniga, ayaa markiiba loo diray Doonta si uu uga soo badbaadiyo dadka, iyadoo Tahriibayaasha geeriyooday iyo kuwa la badbaadiyay la sheegay inay ahaayeen Afrikaan doonayay inay galaan Waddamada Yurub.
Dadka dhintay ayaa la sheegay inaanay dhamaantood u dhiman quusidda ama degista Doontu la degtay, balse uu jiray Dab qabsaday Doonta, kaasoo sababay inay ku dhintaan Tahriibayaasha qaar ka mid ahi. Arbacadii inna dhaaftay ayay Ciidanka Xeebaha ee Talyaanigu badbaadiyeen Konton iyo laba qof oo ka tirsanaa Boqol iyo laba qof oo ku safrayey Doon tayadeedu liidato oo kuwa kalluumaysiga ah Badda dhexdeeda, halka ay Konton Ruux oo kalena ku naf-waayeen Doontaas oo degtay.
Himilomedia
Hargeysa office
No comments:
Post a Comment