Tuesday, August 4, 2015

Guddoomiye Cirro oo sheegay in dhawaaqyada Xukuumaddu muujinayaan Qorshe ay is-baaro ugu dhiganayso Hirgelinta Xeer Qayb ka ah Khilaafka Doorashooyinka

 

“Waynu ka maarmi karnaa in beesha caalamka aanay inoo iman oo cid ina soo faro-gelisaa aanay jirin markay xukuumaddu ay ixtiraamto heshiiskii ay la gashay xisbiyada.. Haddii taas la waayo, dee…” Gud. Cirro WARAYSI
Hargeysa, 04 August, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa ka hadlay go’aan xisbiyada mucaaradka ahi dhawaan ku shaaciyeen faro-gelin beesha caalamku ku soo dhex-gasho khilaafka ka taagan xilliga doorashooyinka haddii madaxweynuhu fulin waayo heshiis xisbiyada iyo xukuumaddu ka gaadheen muddada doorashooyinka.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa kale oo uu ka hadlay Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada oo ku jira Ajandaha Kalfadhiga 28aad ee Golaha oo maalinta Sabtida ah furmaya, waxaanu kaga dhawaajiyey in xukuumaddu qorshe ka leedahay meel-marinta xeerkaas oo ka mid ah qodobbo loo aaneeyey sababaha dib-u-dhaca ku keenay doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.
Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada oo tiraba dhowr jeer ka baaqday in lagu ansixiyo kalfadhiyada golahaas, ayaa safka hore kaga jira Kalfadhiga 28aad ee Wakiillada oo maalinta Sabtida ee todobaadka soo socda furmaya, waxaanu guddoomiye Cirro ku dooday in sababaynta xukuumaddu u saartay dib-u-dhaca doorashada ee xeerkaasi ay muujinayso qorshe ay kaga hortagayso inaanu xeerkaasi dhaafin golaha isla markaana aan la ansixin.
“Iyadoo dhawaaqa Beesha Caalamka iyo ka axsaabtaba eegaysa, xukuumaddu waxay dhigtay gogol, gogoshaasna waxa ka soo baxay heshiis, markaa xalka ugu dambeeyaa wuxuu noqonayaa in xukuumaddu heshiiskii fuliso. Annagu talo ayaanu soo jeedinnay in xukuumaddu heshiiskii fuliso, maxkamadda sare amar bay bixisay ay leedahay khilaafka ha la soo afjaro. Waynu ka maarmi karnaa in beesha caalamka aanay inoo iman oo cid ina soo faro-gelisaa aanay jirin markay xukuumaddu ay ixtiraamto heshiiskii ay la gashay xisbiyada ee lagu saxeexay qasriga madaxweynaha. Haddii taas la waayo, dee xalku shacbigana wuu ka iman karaa siduu dhaqanku ahaan jiray, beesha Caalamkana wuu ka iman karaa siduu horeba uga yimi 2010-kii markii lays khilaafay,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo shalay u warramay HCTV.
Guddoomiyaha oo ka hadlyay xeerka Doorashada Golaha Wakiillada oo ku jira Ajandaha Kalfadhiga 28aad, waxa uu yidhi, “Xeerkii annaga lanagu doortay wuu yaallaa, haddii kaas wax laga beddelayo diyaar baanu u nahay, Goluhu wuxuu furmayaa Sabtida soo socota, Ajandaha wuu ku jiraa, inuu ugu horreeyana waan filayaa.
Markaa waxaan leeyahay qudhaanjooy ku quuso, wuxuu imanayaa golaha, haddii xukuumaddu jeceshay mid cusub, xaqbay u leedahay inay curiso, kii horena wuu yaallaa. Waxaan isleeyahay, dhawaaqa ka soo baxaya ee ah ‘Xeer-baa maqan’, waxay ina tusaysaa calaamad ah inay u diyaar-garoobeen inaan xeerkaasi ansixin.”
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Golaha Guurtidu dhowaan qalinka ugu duugay muddo-kordhin laba sannadood oo xilliga doorashada ku riixaysa badhtamaha sannadkan 2017-ka, ayaa Golaha Wakiillada, gaar ahaan shir-guddoonka dusha u saartay masuuliyadda dib-u-dhaca doorashooyinka oo ay ku sababeeyeen iyadoo aanu diyaar ahayn Xeerkii lagu dooran lahaa mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo doorashadoodu isku mar-dhacayso doorashada madaxtooyada.

Himilomedia
Hargeysa office

No comments:

Post a Comment