Hargeysa August 4, 2015(Himilo)_Komishanka Doorashooyinka iyo xubno ka kala socda sadexda xisbi qaran,wasaarada gaashaandhiga iyo arimaha gudaha ayaa maanta safar kormeera ugu baxay gobolada beriga Somaliland.
Weftigan oo uu hogaaminayo guddoomiyaha komishanka doorashooyinka ayaa u baxay safar ujeedadiisu tahay kormeer iyo indho indhayn xaalada nabadeed ee gobolada sool iyo sanaag beri iyo xaalada diwaangalinta codbixiyaasha.
HALKAN HOOSE KA AKHRI WARSAXAAFADEED KOMISHANKA DOORASHOOYINKA
WAR-SAXAAFADEED
Date: 04/08/2015
Ujeedo; Komishanka Doorashooyinka Qaranak oo Kormeer shaqo
ugu ambabaxay Gobalada Bariga Somaliland.
Maanta oo Salaaso ah 04/08/2015 waxa gobalada Bariga Somaliland ugu ambabaxay wafti Heer Qaran ah. Waftigaas oo uu hogaaminayo gudoomiyaha komishanka Doorashooyinka Qaranku Eng. Abdiqaadir Iimaan Warsame
Socdaalkan waxay ujeedadiisu tahay in loo kuur galo xaalada diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka deegaamo ka tirsan gobalada Sool iyo Sanaag Bari iyo xaalada amaan ee deegaamadaas.
Waftigan heerka qaran ah oo la filayo in socdaalkoodu qaato mudo laba todobaad ah waxay ka kala socdaan:
1. Gudida Komishanka Qaranka.
2. Saddexda xisbi qaran “KULMIYE, UCID iyo WADANI.
3. Wasaarada gaashaandhiga.
4. Wasaarada arimaha gudaha.
5. Golaha guurtida.
6. Golaha wakiilada.
Allaa mahad leh
Komishaneer:
Saciid Cali Muuse
No comments:
Post a Comment