Sunday, August 2, 2015
Gurmadka Abaarta: Amarka madaxweynaha, Qaylo-dhaanta mudaneyaasha, bilowga biyo-dhaamiska iyo Curashada Raxmadda Eebbe
Burco, 02 August, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa amar ku bixiyey gurmad biyo-dhaamis ah oo xukuumaddiisu u fidinayso deegaamo ka tirsan gobollada Galbeedka Somaliland oo abaaro saamayn ku yeeshay nolosha dadka iyo Xoolaha ku dhufteen, waxaana warka abaarahan shaaciiyey maamullada gobollada Awdal, Selal iyo Gabiley.
Gobollada Awdal, Selal iyo Gabiley ee Galbeedka Somaliland iyo degmooyin ka tirsan gobollada Bariga, ayaa qaylo-dhaan biyo-la’aan ahi ka soo yeedhaysay maalmihii u dambeeyey, waxaanu madaxweyne Siilaanyo ku amray Wasiirradiisa maaliyadda iyo kheyraadka Biyaha in gurmad deg-deg ah oo ku aaddan muddo 48 saacaadood ah biyo-dhaamis loogu sameeyo dadka iyo Xoolaha ku sugan deegaannada abaaruhu ka jiraan, sida uu sheegay wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir.
Wasiirka Warfaafinta oo shalay warfidiyeennada kula Hadleyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo oo dhowrkii maalmood ee u dambeeyey socdaal ku marayey gobollada Bari ee dalka, waxa uu sheegay in deegaamo ka tirsan gobolka Sanaag ay ka jiraam xaalado biyo-la’aan ah.
“Dhul badan oo dalkeenna ka mid ah nimcada Illaahay uma gaadhin sidii ay u filayaan ama ay Illaahay looga bartay, ha ugu sii darnaadeen gobollada Galbeed sida Awdal, Salal iyo Gabiley. Gobollada Barigana, degmooyinka Ceel-afweyn iyo Huluul, ayaa iyadana biyo-la’aanta cabashadeedu ka jirtaa. Qaylo-dhaantaa biyaha iyo Gu’gaa yaraaday ee deegaannada qaarkood, Bari iyo Galbeedba ay dadka iyo Xooluba ooman yihiin, madaxweynuhu wuxuu maanta (shalay) amar ku bixiyey inay Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Biyuhu 48-ka saacadood ee soo socda ay dadkaa Biyaha gaadhsiiyaan oo ay ku wadaan ilaa inta baahida biyo-la’aantu dhammaanayso,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cukuse, isagoo hadalkiisa sii watayna, wuxuu intaas ku daray, “Wasiirka maaliyadda oo la socotay weftiga madaxweynaha sababtaas awgeed ayay immika saacaddaas Burco uga anba-baxday iyadoo wasiirkii Biyuhuna sii joogo Hargeysa oo ay hawsha ka tabaabushayn doonaan.”
Hawl-galka biyo-dhaamiska ee xukuuumaddu ugu gurmanayso dadka iyo duunyada abaaruhu saameeyeen, ayaa la filayaa in wejigiisa hore maanta la bilaabo, iyadoo booyadaha biyaha oo xukuumaddu kharashkooda bixinayso lagu gaadhsiin doono.
Dhinaca kale, Xildhibaannada Goleyaasha Xeer-dejinta ugu jira gobollada Galbeedka dalak, ayaa xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga ah ugu baaqay inay gurmad deg-deg ah la gaadhaan dadka iyo Xoolaha Nool ee ku dhaqan deegaannada abaaruhu ku dhufteen ee gobollada Awdal iyo Selal, waxaanay sheegeen in abaarta ku dhufatay gobolladaasi aanay nooceedu wali soo marin deegaannadaas.
“Galbeed abaarta ka dhacday waa mid aan waligeed ka dhicin walina cid gurmad gaadhsiisay ma jirto, haday dhinaca dawlada tahay haday dhinaca beesha caalamka tahay iyo shacaba, waxaanu cidsanaynaa in dawladdu ay gurmad deg deg ah samayso, ganacsatada lacagta haysataana ay gurmad degdeg ah u sameeyaan waa dadkoodii waxa bakhrtiyayaaye, qurba joogtuna ay dadkooda soo caawiyaan, maaha abaarihii la arki jiray,galbeedkana abaari kuma dhici jirine waa tii ugu xumayd maanta, Alle ayaa gacantiisa lagu dhargaaye waxaanu ka baryaynaa inuu alle roob siiyo,” Sidaas waxa yidhi xildhibaan Cabdi Maxamuud Jaamac (Gaagaale) oo warbaahinta la hadlay shalay.
Xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud Jirde oo isaguna ka mid ah xildhibaannada shalay saxaafadda la hadlay, ayaa yidhi, “Waxaanu ka hadlaynaa goballada Awdal iyo Selel abaar ba’an ayaa dad iyo duunyaba saamaysay, Alle ayaa deeqda bixiya ee waxaanu leenahay Allow abaarta ka soo jabi, marlabaadka xukuumada,qurba joogta iyo haayadahaba waxaanu leenahay dad iyo duunba dadkaasu digaday yihiine si guud oo Somalilandnimo ah oo tolnimo ah wax u tara.”
Dhanka kale, deegaamo ka tirsan gobolka Gabiley, waxa shalay gelinkii dambe ka da’ay roobab ay ku diirsadeen dadka iyo xoolaha ay saameeyeen Abaaraha ka jira gobollada Galbeedka, waxaanay wararka deegaannadaas aanau ka helnay noo xaqiijiyeen in Raxmaadka Eebbe si fiican u biyo-dhigeen deegaanno hoos yimaadda gobolka Gabiley oo ay ku jirto caasimadda gobolkaas Gabiley, lamana sheegin khasaare roobabku u geysteen oo soo gaadhay dadka iyo xoolahaba.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment