Sunday, August 2, 2015
Hanka Haweenka ee Siyaasadda iyo Caqabadaha hortaagan oo lagaga Hadli doono Bandhigga caalamiga ee Buugaagta Hargeysa
Hargeysa 02 August, 2015 (Himilo)- Dood ku saabsan doorka iyo Maraaxilkii Haweenka Somaliland ee ku jira siyaasaddu soo mareen iyo caqabada Haweenka ka hortaagan inay si buuxda uga qayb-qaataan siyaasadda, ayaa lagaga hadli doonaa maalinta labaad ee bandhiga caalamiga ee buugaagta Hargeysa oo shalay ka furmay Hotel Guuleed ee Hargeysa.
Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Adan, Wasiirka Deegaanka Marwo Shugri Ismaaciil Baandare iyo Amina-Milgo Warsame, ayaa la qorsheeyey inay maanta dood ka yeelan doona sooyaalkoodii siyaasadda iyo kaalmaha haweenku ka soo geli karaan siyaasada dalka.
Haweenka oo door muuqda ka soo qaatay horumarka nidaamka dimmoqraadiyada dalka, iyo nabadeyntiisa, ayaa dhinaca kale waxa sannadihii u dambeeyye doodo ka taagnaayeen sida aanay uga dhex-muuqan goleyaasha sharci-dejinta dalka.
Dooda manta ka dhacaysa bandhiga buugaagta caalamiga ee Hargeysa ayaa lagu eegi doonaa sababaha keenay, maadamaa sida lagu doodo ay haweenku yihiin codbixiyeyaasha ugu badan doorashooyinka dalka ka qayb-qaata.
Caqabadaha muuqda ee hortaagan haweenka iyo saamaynta ay leeyahiin iyo isbedelka sharci iyo bulsho ee loo baahan yahay ayaa la filayaa inay wax badan ka iftiimiyaan haweenkan waaya-aragnimada u helay hanaanka loola falgalo siyaasadda dalka.
Mowduucyada kala duwan ee maalin walba lagaga hadlayo bandhiga siddeedaad ee caalamiga buugaagta Hargeysa, ayaa bilaabma sideeda iyo badhka aroornimo, socdana ilaa sagaalka iyo badhka habeenimo, marka laga reebo wakhtiyada salaadaha iyo cuntooyinka.
Himilomedia/Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment