Saturday, August 1, 2015
Kalfadhiga 28aad ee Wakiillada oo todobaadka dambe furmaya, Ajandaeyaasha horyaalla iyo xildhibaanno la baafinayo
Hargeysa, 01 August, 2015 (Himilo)- Kalfadhiga 28aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa lagu wadaa inuu furmi maalinta Sabtida ee todobadka dambe oo ku beegan 08-da bishan August, waxaana Ajandaha Kalfadhiga ka mid noqon doona xeer ka baaqday ajandaha kalfadhigii hore ee Golaha.
Sida lagu faafiyey war-gelin uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, laguna socodsiiyey mudaneyaasha, kalfadhiga 28aad ee Golaha Wakiillada, ayaa furmi doona maalint Sabti oo ku beegan 8-da bisha 8aad, waxaana mudaneyaasha aan fasaxa ka haysan shir-guddoonka Golaha loogu baaqay inay wakhtiga dhowraan oo soo galaan shaqadooda.
“Waxa dhammaan Mudaneyaasha Golaha Wakiillada lagu wargelinayaa in uu maalinta Sabtida ah ee kuu beegan 08/08/2015 saacaddu markay tahay 9:30 AM (Sagaalka Subaxnimo) ay yimaaddaan Xarunta Golaha Wakiillada JSL iyada oo uu furmi doono Kalfadhiga Caadiga ah ee 28aad.
Haddaba, waxa mudaneyaasha lagu adkaynayaa, kuwa dalka Jooga iyo kuwa dibadda joogaba ee aan Golaha wax fasax ah ka haysan in ay soo galaan shaqadooda wakhtigana ay dhowraan,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-gelinta lagu socodsiiyey mudaneyaasha Golaha Wakiillada.
Dhinaca kale, Kalfadhiga 28aad ee Golaha Wakiillada, ayaa la filayaa in Ajandihiisa ay ka mid noqdaan Xeerar ka baaqday kalfhigii 27aad ee Golaha oo muddadii uu socday ku soo beegmay xilli ay dalka jireen muranno siyaasadeed oo saamayn ku yeeshay, waxaana xeerarka la filayo inay ka mid noqdaan kalfadhiga ka mid ah Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada oo ka mid ah sababaha horseedka u ah dib-u-dhacyada ku yimi doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Somaliland oo
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment