Saturday, August 1, 2015
Xildhibaan ka tirsan Dowladda Finland oo ka hadlay xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland
Oslo, 01 August, 2015 (Himilo)- Xildhibaan Faysal Yusuf Cabdi oo ka tirsan xildhibaannada goleyaasha deegaanka dalka Finland, ayaa u soo jeediyey dhinacyada ku hirdamaya siyaasadda dalka inaanay damacooda siyaasadeed u burburin nabadgelyada iyo xasiloonida ay haysta shacabka Somaliland.
Xildhibaan Faysal oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada Vantaa ee dalka Finland, waxa ku baaqay in xisbiyada qaranka iyo goleyaashu wada-jir uga wada shaqeeyaan qabsoomida doorashada isla markaana la tixgeliyo go’aankii golaha Guurtida.
“Waxa muhiim ah in si cadaalada ah wax u dhacaan, doorashadana qof keliya ma qaban karo, saddexda xisbiba waa loo baahan yahay, gudoomiyaha Baarlamaankuna waa awoodii saddexaad ee dalka, waana loo baahan yahay inuu qabsoomida doorashada qeyb libaax ka qaato.
Laakiin, hadii ay noqoto mindi mindi ku tag, waxay u muuqanaysaa inaan wakiiladu doorasho rabin, oo in toban sanno kale loo kordhiyo ay doonayaan,” ayuu yidhi xildhibaanka oo ka hadlayey munaasibad soo-dhawayn ah oo ay u sameeyeen jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Norway.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa u yidhi, “Dhalinyaradu boqolkiiba todobaatan shaqo ma haystaan, dad danyar ah baa jira, dad aan waxba haysan baa jira, markaa dadkaa nolosha yar iyo nabadgelyada ay haystaan yaan lagaga ciidayn kursi daraadeed, balse in mudadii guurtidu jidaysay wadajir loogu hawlgeli lahaa sidii doorasho u dhici lahayd.”
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment