Berbera, 03 October, 2015-(Himilo)- Urur Caalami ah, ayaa sheegay inay jiraan caqabado badan oo hortaagan in Kalluumaysatada dalku helaan Suuqyo Badeecadahooda, isla markaana dhinaca bulshadu weli aanay ku Baraarugin faa’iidada Kalluunka.
FairFishing, oo ah Urur ka shaqeeya horumarinta Kalluumaysiga, ayaa sheegay in socdaal ay ku tageen Xeebaha Maydh iyo Lughaya ku soo arkeen caqabado badan oo haysta Kalluumaysatada deegaannada, haatanna wadaan qorshayaashii lagaga gudbi lahaa.
“Dagaallada ka bilaabmay dalka Yemen waxay joojiyeen Suuqyadii Kalluumaysata Xeebaha Barigu u iib-geyn jireen Badeecadahooda, kana heli jireen Masaariif iyo Shidaalka doonyahooda.” ayaa lagu sheegay Warbixin FairFishing ka soo saareen natiijada socdaalkooda.
Waxaanu qoraalkaasi intaas ku daray oo lagu yidhi; “Xilligan, waa bilaacamal, maaddaama oo Suuqyadoodii Yemen xidhmeen dagaallada awgeed, isla markaana aanay jirin waddooyin hagaagsan oo Kalluunka ay soo qabsadaan ugu soo iib-geeyaan Suuqyada magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.”
Sidoo kale, waxaa lagu sheegay qoraalkan in aanay Kalluumaysatada wakhtigan diyaar u ahayn inay Badda galaan, ama waxay ku khasabanaadaan inay ku iibiyaan badeecada kaluunka sicirkii loo gaadho, xilligana waxay qorshaynayaan inay badeecadahooda u soo wareejiyaan suuqyada Berbera oo qiimo wanaagsan ka filayaan, laakiin gaadhsiinteedu aanay sahlanayn.
Socdaal Ururka FairFishing ku tageen Xeebaha Bariga iyo Galbeedka Somaliland, ayaa sheegay inay ku ogaadeen in Bulshada Somaliland ka xiiseeyaan Cunitaanka Hilibka Kalluunka ka Geela, loona baahan yahay qorsha looga gudbi ilahaas.
FairFishing, ayaa sheegay inay xalka caqabadahaa ka raadin doonaan dalka Denmark oo ka diyaarin doonaan mashruuc xarunta ikhtiraaca iyo horumarka ee Copenhagen, si natiijada ka soo baxda loogu adeegsado gudaha Somaliland.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment