Saturday, October 3, 2015

Ciidammada Isbahaysiga Carbeed oo Gacanta ku dhigay Markan Hub ah oo Iran u soo wadday Xuutiyiinta Yemen

 

Dubai, 03 October, 2015-(Himilo)- Ciidammada Isbahaysiga Carbeed ee Sucuudigu hoggaaminayo, ayaa fashiliyey Markaab laga leeyahay dalka Iran oo siday hub fara badan, waxaana Markaabka lagu qabtay meel u dhaw Xeebta dalka Cuman sida ay Wakaladaha Wararku bahinayaan.

Badhiis ay Ciidammada Isbahaysiga Carbeed ku sameyeen Markabkan, ayaa laga helay Madaafiic iyo Gantaalo, waxaana uu Markabkani uu siday Hubkan Kooxda Xuutiyinta ka dagaallamaysa dalka Yemen sida uu Afhayeenka Ciidammada Isbahaysiga Carbeed ku sheegay War-Saxafadeed Kiisa Arbacadii dorraad.

Hubka saarna Markabka waxa ka mid ahaa 18 mid Hoobiyaha dalooliya, 54 Gantaalaha Anti-tangiga, 15 Baytariyada loogu talo-galay Millateriga Gantaalaha laga gano iyo alaadda haga nidaamka Teknolojiyadda  Ganatalaha, isbahaysiga Ciidammada Carbeed, ayaa waxa kale oo ay shegeen in ay xidheen 14 ka mid ah shaqalaha saarna Markabkan oo la qabtay maalinti 3-aad ee Ciidul-Adxada.

Afhayeenka Wasaaradda Gashaandhigga dalka Sucuudi Arabiya Gen. Maj. Axmed Asiri, ayaa sheegay in ay isku dayeen in hubkan si qarsoodi ah dawladda Iran uu geliso dalka Yemen, isagoo intaas ku daray in ay Xukuumadda dalka Yemen ku jaho-wareertay khilaafka ka jira dalka Yemen. Shixnadda hubkan, ayaa noqoneysa tii ugu weynayd ay qabtaan Ciidammada isbahaysiga Carbeed inti xayraada la saray bishii March ee sannadkan, sida uu Saxaafadda u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gashandhigga Mr. Asiri.

Dokumentiyo saarnaa Markabkan oo muujineya in Markabkani ku diiwaangashanaa magaca Nin Muwaaddin ah oo uu u dhashay dalka Iran, waxa kale oo Waraaqaha Mulkiyadda ku qornaa in Markabkani loogu talo-galay Kalluumaysi.

“Hubkan kala duwan waxa la helay maalinti Sabtida ahayd, isla markaana la xaqijiyey ujeeddada Xukuumadda Iran ka leedahay dagallada ka socda dalka Yemen.” Sidaa ayuu yidhi  Afhayeenka Wasaaradda Gashaandhigga ahna Afhayeenka Isbahaysiga Carbeed Bragedier Gen. Axmed al-Asiri.

Madaxweynaha dalka Yemen Abdrabbu Mansour Hadi, ayaa maalinti Salaasada ahayd ee toddobaadkii inna dhaafay ku eedeeyey dalka Iran in ay baabbi’inayso dalkiisa, waxaana uu Sida ka yidhi isagu ka hadlaya Xarunta Qaramada Midoobe, isla markaana uu mahad-celiye Boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salman, oo uu hogaminayo Ciidammada isbahaysiga Carbeed gaar ahaan waddamada Khaliijka dagaaka kula jiraan Kooxaha Xutiyiinta ah oo sannadkii hore gacanta ku dhigay Caasimadda dalkaas.

“Waxaannu iska dhex-helnay oo aannu ku dhex milannay dagaalkan, oo ah dagaal dalka iyo jiritaanka dalkayga oo damanad-qaadaya in aanu dalku gacanta uu gelin Iran, oo loo sadaalin karo burburka dalka. waannu ka war-haynaa dhibaatooyinka Shacbiga reer Yemen, taasna waxa samayse Xayiraadda ay sareen Kooxaha Mitidka ah ee Xuutiyiinta.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Yemen Khudbad uu ka jeediyey Shirkii guud ee Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York e dalka Marakanka ka qabsoomay toddobaadkan dhammaaday.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment