Saturday, October 3, 2015

Madaxweyne Isu-magacaabay Wasiirka Baatroolka ee dawladdiisa iyo Aragtida Caalamku ka bixiyey

 

New York, 03 October, 2015-(Himilo)- Bulshada caalamka, ayaa si weyn u hadal-haysay, isla markaana aad wax isaga weydiisay, War ay Saxaafadda dunida aad u qaadaa dhigtay, kaasoo ah Madaxweynaha Waddanka Nigeria Muhammadu Buhari oo isu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Baadroolka ee dalkiisa.

Hase-yeeshee, marka loo eego aragtiyaha ay muujiyeen inta badan dadka falanqeeya arrimaha Siyaasadda iyo kuwa dhaqaalaha caalamkuba, waxay isku raaceen amaba bixiyeen aragtiyo isku dhaw oo ay ku faaqideen sababta keentay in Madaxweyne isu magacaabo Wasiirka Baadroolka ee dawladda uu Madaxweynaha ka yahay iyo ujeeddada siyaasadeed ee ka dambaysa.

Waxaanay jawaabohoodu noqdeen kuwo aan kala fogeyn oo badi ah in sababtu tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa Nigera ragaadiyey oo Madaxweyne Buhari markii uu ku jiray tarankii ololaha ahaa mid ka mid ah labadiisa ballan-qaad ee ugu waawayn. Sidaa awgeedna maaddaama oo uu ballan-qaaday wakhtigii uu ololaha doorashada ku jiray inuu Musuqmaasuqa dalkiisa ragaadiyey wax ka qabanayo, isla markaana bishii hore bilaabay qorshaha la-dagaallanka musuqmaasuqa oo uu hantidiisa soo bandhigay in tallaabadanna ay tahay mid uu ku xoojinayo la-dagaallanka musuqmaasuqa, maaddaama oo uu dalka Nigeria yahay mid Qani ku ah Khayraadka Saliidda ama Baadroolka.

Hase-yeeshee, waxa jira aragtiyo aan badnayn oo muujinaya in ujeeddada Madaxweynaha Nigeria ka leeyahay inuu isu magacaabo Wasiirka Baadroolka ay tahay mid uu ku rabo in Dhaqaalaha faraha badan ee dalka Nigeria ka soo gala Baadroolka gacantiisa si toosa ugu dhaco, isagoon cid kale soo marin Dhaqaalahaasi, inkasta oo ay jiraan Khoboro iyo Aqoonyahanno si toos ah iyo si dadban-ba iyagu hawsha Wasaaradda uu isu magacaabay Wasiirkeeda ugala shaqayn doontaa.

ayaa sheegay inuu isagu maamuli doono Wasaaradda Bartoolka dalkaas, kaddib markii Xaalad adag oo dhinaca dhaqaalaha ah ay soo wajahday Nigeria oo ka mid ah waddamada Afrika ee qaniga ku ah shidaalka.

Madaxweynaha waddanka Nigeria Mohammudu Buhari, ayaa inuu Wasiirka Baadroolka dawladdiisa uu isagu isu magacaabay, waxaanu sidaas ku sheegay Shirkii guud ee Qaramada Midoobay ee toddobaadkan lagu qabtay magaalada New York ee dalka Maraykanka. Isaga oo xusay in Nigeria oo ka mid ah dalalka ugu Dhaqaalaha badan Afrika ay haddana dhaqaale-darro soo food-saartay, sidaas awgeedna qorshaha hirgelinta la-dagaallanka musuqmaasuqu yahay mid uu kaga dhabaynayo.

Wasiirka Baadroolka ee uu Madaxweynaha Nigeria isu magacaabay, ayaa nonayaa Wasiirkii koowaad ee uu magacaabay Buhari inuu isagu isu magacaabay, iyadoo la filayo inuu dhawaan magacaabi doono xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa oo aanu weli magacaabin, iyadoo xilka loo dhaariyey bilo ka hor, waxaana xilkaas loo dhaariyey Buhari bishii May ee sannadkan aynu ku jirno ee 2015-ka, ka dib markii uu si aqlabiyad ah ugu guulaystay doorashadii Madaxtinnimada Nigeria isla bishaas May ee sannadkan.

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment