Sunday, October 18, 2015

Musharax Kijaandhe Oo Tagey Xarunta Xisbiga Kulmiye Iyo Dooda uu kala Kulmay Hogaanka Xisbiga.

Hargeysa (Himilo)-Xildhibaan Maxamed Cabdi (Kijaandhe)oo ka mid ah musharaxiinta ku hirdamaya jagada madaxwaynenimo ee Xisbiga KULMIYE ayaa maanta oo Axada tagey xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye halkaasi oo ay ka socoto bixinta kaadhadhka Ergooyinka kasoo qayb galaya Shirka Golaha dhexe ee la qabanayo 10 November 2015.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Kijaandhe oo ka tirsan isbahaysiga musharaxiinta Xisbiga KULMIYE ee maalmihii u dambeeyay kasoo horjeeday qaabka hogaanka sare ee Xisbigu u qaybinayaan Diwaangalinta Ergooyinka Shirka golaha dhexe , iyagoo hogaanka Xisbiga kulmiye ku eedeeyay in uu maroorsaday awoodihii Xisbiga Islamarkaana uu Golaha dhexe ee Xisbiga kusoo Darayo Xubnaha uu doono maadaama ay qabanqaabada shirka ay wadaan xubno taageersan guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo aan daacad ka ahayn musharaxiinta Xisbiga.
Xildhibaan Kijaandhe waxaa uu sheegay in maanta uu tagay Xarunta Dhexe ee xisbiga Kulmiye si hogaanka wada qaybinta kaadhadhka uu ugu sheego inay aanay dhex ka ahayn qaybinta ee ay raacsanyihiin Guddoomiyaha Islamarkaana loo baahanyahay in la joojiyo Qaybinta kaadhadh ilaa inta Xal laga gaadhayo.
Waxaan Halkan hoose idiin kusoo bandhigi doonaa Warbixinta Musharax Maxamed Cabdi Kijaandhe Markii uu bookhday Xarunta Xisbiga Kulmiye.

https://www.youtube.com/watch?time_continue=33&v=tn4LTVPtdHA

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment