Tuesday, October 20, 2015

Xisbiga WADDANI oo sheegay in Qaranimada Somaliland Halis ku Jirto

 

“Qaranimadeenii ayaa halis ku jirta ninkii xalay dhagaysanayay TVyada Waftibaa laga afduubay meel la yidhaa Yuube oo afartan Kilo meter Ceerigaabo u jirta”Boobe Yuusuf Ducaale.

 

Hargeysa (Himilo)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay safarkii madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland ku tagey Dalka Ireland , khudbadii madaxwaynuhu shalay ka jeediyay garoonka diyaaradaha Ee Cigaal International Airport iyo xubnaha komishanka doorashoonyinka ee laga afduubay Deegaan Yuube.

 

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mujaahid Boobe Yuusud Ducaale ayaa sheegay in safarka madaxwaynuhu ku tagey dalka Ireland aanu ahayn marti qaad rasmiya balse waftiga madaxwaynuhu ay la kulmeen  madaxwayne aan awood ku lahayn siyaasada dalkaasi oo kursi sharafeed ku  jooga jagada madaxtinimada .

“Ireland dawladbaa ka talisa raysalwasaare ayay leedahay wasiirana way ka jiraan, Madaxwaynaha Ireland waa madaxwayne Sharafeed sida kan Ethopia,qaabka loogu tagey qaab rasmiya iyo qaab dawladeed muu ahayne xidhiidho kale , oo si kale ah oo siloon ayaa loogu tagey.”ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

Xoghaye Boobe Yuusuf Ducaale waxaa uu sheegay in qaranimada Somaliland ay halis ku jirto maadaama gudaha Somaliland laga afduubanayo masuuliyiin dawlada ka tirsan.

“Qaranimadeenii ayaa halis ku jirta ninkii xalay dhagaysanayay TVyada Waftibaa laga afduubay meel la yidhaa Yuube oo afartan Kilo meter Ceerigaabo u jirta, Cumar Jaamac ayaa waftiga madax u ahaa xalley Telefishanka ayuu taagnaa waanu badqabnaa ayuu lahaa, nimankii afduubay ayaa halkii ay ka afduubeen kusoo celiyay, bal dhibta taala eega inagii ayaa qirayna inaynaan dalka lahayn , inaynaan dalka ka talin waxaynu ka hadlaynaa meel Awbarkhadle oo kale Ceerigaabo ku ah”ayuu yidh Boobe Yuusuf Ducaale

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment