Saturday, October 3, 2015

Xukuumadda Somaliland oo Qaadhaan-bixiyeyaasha u ballan-qaadday inay bilaabayso Isku-xidhka Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo wakhtiga ay fulinayso

Sidee ay Xukuumadda Somaliland u hirgelin kartaa isu-furista Shirkadaha Isgaadhsiinta oo horeba loogala quustay inay isu-furaan Taleefannadooda oo laga wadahadli karo?

 
Hargeysa, 03 October, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ballan-qaadday inay diyaarinayso qorshahii loogu samayn lahaa isku-xidh dhammaan Khadadka Shirkadaha Taleefannada ee dalka ka jira, loogana gudbi lahaa caqabadaha Bulshadu kala kulmaan Shirkadaha Isgaadhsiinta ee aan Taleefannadoodu isgeli karin ama si furan aan khadadkoodu la isugula hadli karin.

 
Sida lagu caddeeyey qorshayaasha ugu muhiimsan ee loo mari doono maalgelintooda dhaqaalaha Sanduuqa horumarinta Somaliland, oo waddamada beesha caalamka qaarkood si toos ah ugu soo shubaan, ayaa lagu sheegay in abuuritaanka isku-xidhka Shirkadaha Isgaadhsiintu ka mid yahay.
Qorshayaal kala duwan oo Xukuumadda Somaliland ka dhigtay muhiimaddooda koowaad, isla markaana ay isla qaateen Wakiillada beesha caalamka shirkii dhawaan dhex-maray, ayaa lagu sheegay in isku-xidh la’aanta Shirkadaha Taleefannadu caqabad weyn ku hayso Somaliland.
Hawshan oo loo xil-saaray Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, ayaa waajibaadka loo xilsa

 

aray ay ka mid tahay inay sannadkan 2015 dhammaytiraan dhaqan-gelinta Xeerka Isgaadhsiinta iyo hawlgelinta dhammaan kaabayaashii looga baahnaa isku-xidhka shirkadaha telefoonada.
Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta, ayaa la sheegay inay dhammaystiri doonto sannadkan 2016 isku xidhka dhammaan Shirkadaha Taleefannada ka shaqeeya dalka, isla markaana bilaabaan qorshihii dhammaan Shirkadaha bixiya adeegga Taleefannadu iskula xidhiidhi lahaayeen.

 
Tallaabadan, ayaa noqon doonta mid wax weyn ka tarta caqabado badan oo Shacabka Somaliland iyo Xukuumadda ka haysatay la xisaabtanka Shirkadaha Isgaadhsiinta oo dakhliga ugu badan ee dalku ku xeroodo, balse, aan bixin Cashuurta rasmiga ee ku waajibta, maaddaama oo aanu jirin nidaam lagula xisaabtamo.

 
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment