Thursday, February 20, 2014

Dhalinyarada Somaliland Maka Raalibaa In Maalinba Wasiir Sawir Ku Galo, Masiirkoodiina Mugdi Ku Dhaco? -W/Q Xasan Maxamed Xaaji Xasan.

 

Aboorkuba alaylkuu dhisaa aqallo waaweyne.

Markuu ururo daartuu abyey baa la ashqaraaraaye.

Abitirsiimo reer hebelahiyo oday ku faan tuura.

Indhaa fura hurdadu waa waxaa ku ibtilawdeene.

 

Xaaji Aadan “Afqalooc”

 

DHALINSida aynu ognahay waxa dhawaan ay wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland shaacisay boosas shaqo oo ka banaan kuwaasoo ay ku baahisay qaybaha kala duwan ee warbaahinta, waxa dhawr jeer la hakiyay imtixaankii laqaadayay waxay doonaan ha ku sababeeyeene.  Hakintaasi  lahakiyay imtixaankii waxay sababtay jahawareer iyo buuq farabadan oo ka dhashay dhalinyarada gaaf wareegaysa agagaarka Wasaaradda Arimaha Guddaha, kuwaasoo dhegaha u raaricinaaya wararka ku tidhi kuteenka ah ee ka soo baxaya wasaaradda  iyaga oo inta ugu baddani ka muujinaaya rajo xumada ay ka qabaan inuu imtixaankaasi si caaladda u qabsoomo (transparency), halka qaar kalena kuu sheegayaan in dhamaan dadkan la qaadanayaa ay inta badani wasaaradda si ku meelgaadh ah u joogaan (temporary), halka qaar kalena kuu sheegayaan in dadka la qaadanayaa ay yihiin dad qorshaysan ama ay dad gaari wataan. Inkasta oo qofna aan ciddi ka qaadi karin waxa Alle u qoray inta ay xabad bariisi u hadhsan tahayna aanu ka tegayn adduunka sida Alle sheegay (SWT), Haddaba waxaynu ogeyn dhamaan shaqaalihii dawladdu qaadatay labadii sano ee ugu danbeeyay   oo cadaalad daradii ka dhacday ay dhalin yarada ku riday kalsooni daro baaxad weyn, waxaynu ognahay xaqiiqooyinka yaala xafiisyada dawladda iyo nidaamka ay shaqaalaha u qaataan, waxaynu ognahay inaanay aqoontu wax macno ah ka lahayn xafiisyada dawladda, waxaa hubaala in dhamaan 45ka boos ee la xayeysiiyey aanay ku imanaynin natiijada imtixaanka la qaadaayo ee ay ku imanayaan farsamo kale oo qabiil iyo xeer jajab ah,waxaa intaa weheliya maanta nidaamka maamul ee ka jira wadankeenu waxa uu kobciyey qabyaaladii, eexddii, boobkii hantida ummadda, iyo ku tumashada sharciga, dhamaan arrimahaasi waxay sabab u noqdeen in  rajaddii mustaqbalka ee dhalinyaradu ay gasho mugdi, qaar baddan oo ka mid ahina ay tahriib miciinsadeen inta joogtaana ay la noolyihiin nolol aan mustaqbal fiicani u muuqan.  Waxaa haddaba isweydiin muddan, dhalinyaradu waa awooda iyo raasamaalka umaddi ku faanto gaalo iyo muslimba, waa kuwa bedelaaya beri ka maalin dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida culimada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka IWM.

Guntii iyo gabagabadii inagu hadaynu nahay shacabka waxaynu dooranay madaxweyne iyo wakiilo, madaweynihuna isaga ayey u taalaa cidda uu u soo xulanaayo golihiisa wasiiradda iyo xubnaha kale ee dawladda, xilkuna wuxuu saaran yahay madaxweynaha isagaana Alle ka sakaw shacabku kala xisaabtamayaan masuuliyada ay u doorteen, haddaba Akhristayaal, waxay su’aashu tahay  ma waxaynu ka raalinahay haddaynu nahay dhalinyaraddii iyo shacabkii  waddanka in maalin walba aynu dhaygaysano muranka iyo qaylada uu abuuray  wasiir hebel oo ollole ugu jira xeer ama arrin yar oo raqiis ah oo aan ummadda waxba ugu filnayn  sidii loo ansixin lahaa, Xildhibaanaddiina u qaybiyey intaasoo kun oo doollar, waxaan ku soo gunaanadayaa hadalkayga bini’aadamku waxa indhahooda iyo dhegahooda ka bata way iskala qabsadaan wanaag iyo xumaan wuxuu doono ha noqdee haddii aanay fikiran ama su’aalo is weydiin, waxaan uga socdaa  malaha inaguna dulmiga iyo amar ku taaglaynta wax magaratadda  ayeynu iskala qabsanay, haddaba waxaan kaga baxayaa saddexdan su’aalood.

1)       Dhalinyarooy maxaa inooga meel yaala in maalin walba wasiir laba wajiile ahi uu sawir inagu galo, isagoo leh intaasoo dhalinyaro ah ayaan imtixaan ka qaaday dabadeedna intii ugu saraysay ayaanu ka qaadanay, innaguna aynu ku qanacno imtixaankii ayey daadateen, hebel iyo hebel ka la leeyahay way soo baxeena ay ku yimaadeen nidaam baal marsan ka ummadda loo sheegaayo, innaga oo taasi cad u ogna aynu iska samirno?

2)        Dhalinyarooy maxaa innooga meel yaala in maalin walba xildhibaanadii aad soo doorateen ee wakhtigiina iyo maskaxdiinaba aad u hurteen la yidhaahdo sida xoolaha saylada la keeno ayaa loo kala iibsanayaa, sixirkuna waxa uu marayaa intaa iyo intaa, masiirkii ummaddana in shilimo la siisto?

3)       Dhalinyarooy maxaa inooga meel yaala in maalin walba aynu maqalno wasiir ama nin magac dawladeed sita oo aynaan soo dooran ayaa ollele ugu jira intaasoo kun oo doolarna ku bixinaaya in xildhibaanaddu ansixiyaan xeer hebel oo cashuur lagu kordhisanaayo, lacagta uu isticmaalayaana ay tahay shan shantii boqol ee hooyooyinka bacadka fadhiya laga soo ururiyay ee la doonayey in waddanka xaalada qalafsan lagaga saaro?

 

Qalinka: Xasan Maxamed Xaaji Xasan.

Email:  wadani_mx@hotmail.com.

Hargeisa, Somaliland.

Tel: 063-3464536.

No comments:

Post a Comment