Thursday, February 13, 2014

Maamulka Togdheer iyo Odayaal u tagay Deegaanka Kalshaale Heshiisiinta Beelo ay Shaqaaqo Dhexmartay

Burco, 13 Feb, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo Shan iyo toban Oday oo Reer Burco ah, ayaa shalay gelinkii hore u ambabaxay deegaanka Kalshaale si ay wada xaajood nabadeed ugala yeesheen Odayaal ka socda dhinaca Buuhoodle dhacdo todobaadkan dil loogu geystay laba nin qof kalena lagu dhaawacay, kaas oo ay ka dambeeyeen Maleeshiyo-beeleed ka soo jeedda deegaamada Buuhoodle.

MAAMULKAOdayaasha Buuhoodle ayaa la sheegay in ay Gogosha wada-hadalka u dhigeen Odayaasha iyo Maamulka Togdheer si Heshiis Nabadeed looga gaadho weerarka lagu Dilay labada Nin, kaasoo ahaa mid gaadmo ah oo ay marka hore geel ku dhacayeen, laakiin aakhirkii sababay dhimashada iyo dhaawaca.

Deegaanka u dhaxeeya Qorulugud ilaa Buuhoodle ayaa laga dareemayey maalmihii ugu danbaysay san-saan Colaadeed oo ka dhex bilaabantay laba Beelood oo deegaanka wada-dega, waxaana deegaamadaas isku urursanayey Ciidan beeleedyo isu-hubaynaya dagaal laga cabsi qabo inuu mar kale ka dillaaco deegaamadaas.

Labada Beelood ayaa dhawaan Heshiis ka gaadhay khasaare noocan oo kale ah oo labada dhinac kala gaadhay, waxaanay colaad muddo taagnayd kadib isla qaateen dhawr qodob oo ay ka mid ahaayeen in ay nabad ku wada noolaadaan iyo in dhinac walbaaba bixiyo wixii khasaare uu gaystay.

No comments:

Post a Comment