Thursday, May 8, 2014

Al-shabaab OoXalay Weerartay Ciidamo Puntland ah oo ku Sugnaa Aagga Gal-gala

Gal-Gala:May,08,2014(Himilo)-Kooxaha Al-shabaabka ayaa ayaa Habeenkii xalay Weeraray Goobo fadhiisimo ah oo ciidanka Daraawiishta Puntland ku leeyihiin Deegaanka Galgala.

galayWararka Halkaas laga helayo ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jiraa uu ka dhashay Dagaalkaas, iyadoo ay ciidanka Puntland isku dayeen inay iska caabiyaan weerarka lagu soo qaaday.

dagaalkan oo ahaa kii ugu cuslaa mudooyinkan ka dhaca buuraha Galgala, ayaa socday muddo kooban, iyadoo la isku adeegsaday Hubka Noocyadiisa kala duwan oo laga maqlayey Deegaano Halkaas ka durugsan.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shan ka tirsan dagaalyahanada Shabaab ay ku dileen dagaalka, halka saddex kale ay nolosha ku qabteen.

 

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo mudooyinkii u dambeeyay waday weeraro ay ku qaadayeen fadhiisimada Ciidamada Puntland ku leeyihii Buuraha Galgala iyo duleedyada Boosaaso.

Ilaa iyo Hadda ma jiraa warar madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha labada dhinac gaadhay, waxana kaliya dagaalka libin ka sheegtay ciidanka Puntland oo warbaahinta la hadlay.

 

No comments:

Post a Comment