Sunday, May 11, 2014

Dalka Jarmalka Oo Sucmad-dilistii Ugu Weynayd Ee Dhinaca Xuquuqda Dadka u Geystay Dhiggiisa Holland

Berlin:May,11,2014(Himilo)-Mid ka mid ah Jariiradaha ugu afka Dhaadheer Dalka Holland oo lagu magacaabo NRC Handelsblad, ayaa Maanta Qortay in Dawladda Jarmalku Go’aamisay in Magan-gelyo Doonka Dhinaca Holland ka yimaadda ee Jarmalka Taga aan Dib loo celin doonin.

sumcaXaakim Sare oo ka hadlayay go’aankan ayaa sheegay in Magan-galyo doonka ku dhaqan dalka Netherland aanay helin xuquudii aasaasiga ahayd ee uu u baahnaa qofka bini’aadamka ah, isagoo si khaas ahaaneed usoo qaatay Hoy la’aan iyo Cunto la’aan.

 

Jariidada ayaa sheegtay inay Naadir tahay in qaaddi Maxkamadeed uu go’aamiyo in Magan-galyo-doonka aan lagu celin karin wadan kale oo ka tirsan Yurub, iyadoo sanadii 2011-kii maxkamadda sare ee xuquuqda aadamiga ah ee Midowga Yurub ay soo saartay go’aan ah in qaxooti dame aan lagu celin karin dalka Giriiga oo xiligaasi baadhitaano la sameeyay lagu ogaaday inaanay daryeel ku filan dadka qaxootiga ah aanay heli karin.

 

Imika Maxkamadda Germany waxay u aragtaa dalka Netherland mid ku xad-gudbay xuquuqdii aadanaha, isla mar ahaan taasna aan kasoo bixin waajibaadkii ka saarnaa dadka Laajiyiinta ah ee Magan-galyadda usoo raadsaday dalkooda.

 

Go’aankaan ayaa wuxuu yimid kadib marki maxkamad ku taala Magaaladda Darmstadt ee dalka Jarmalka ay khamiistii hore qaaday kiiska dacwadeed ee qof Soomaali ah oo Magan-galyo doon ah, kaasi oo dalka Netherland kasoo cararay kadib markii halkaasi uu kasoo xidhmay Kiiskiisii dacwadeed, dabadeedna uu u cararay dalka deriska la ah ee Jarmalka.

 

Dowladda Jarmalka waxay doonaysay markii hore in qofkaas lagu celiyo dalkii uu kasoo kicitimay ee Netherland, sida uu dhigayo qodob kamid ah heshiiska Dublin ee ka dhaxeeyay dalalka Midowga Yurub, heshiiskaasi oo qeexayay in qaxooti ka yimid dal kale oo Yurub ah lagu celin isla dalkaasi Yurub.

 

Jariidadda ayaa sheegtay in Maxkamadda Jarmalka ay u aragto arin xaq-darro ah in qof qaxooti ah oo Soomaali ah lagu celiyo dalka Netherland, gaar ahaan waxa ay Maxkamaddu sheegtay in qof Magan-galyo-doon ah dalkaasi mamnuuc laga dhigay in shaqo laga siiyo, arintaasi waxay maxkamaddu sheegtay inay halis ku tahay muuqaalka Jidheed iyo midda Maskaxeed ee qofka bini’aadamka ah.

 

Pim Fischer oo ah Qareen u dhashay dalka Nethrland ayaa ku micneeyay Go’aanka Maxkamadda Jarmalka ka soo baxay mid ceeb ku ah dalka Netherland, qareenka ayaa NRC u sheegay in dal weyn oo deris nala ah uu u arkay in aanu ku fashilanay ilaalinta xuquuda bini’aadamka, qareenkaani waa khabiir ku takhasusay arimaha sida loo caawin karo dadka saboolka ah iyo sida loogu caawin lahaa inay helaan Hoy iyo waxay ku noolaadaan.

 

Bishii October ee sanadii lasoo dhaafay gudiga xuquuqda aadanaha ee Midowga Yurub ayaa go’aamiyaya in Netherland ay daryeel u fidiso dadka Magan-galyo-doonka ah ee aan deganaanshaha haysan, waxaana lagu xukumay inay dadkaasi helaan xuquuqda magan-galyo-doon sida in qofku uu helo Hoy iyo wuxuu cunno, hay’adaha ka warqaba qaxootiga waxay sheegaan in xukunka kasoo baxay gudiga xuquuq aadanaha ee Midowga Yurub  aanu meel marin.

 

inkastoo dhowr jeer uu sheegay wasiirka cadaaladda, qaxootiga iyo amaanka ee dalka Netherland Fred Teeven inay wax ka qaban doonaan cabashooyinka ka imanaya dadka qaxootiga ah, Haddana Natiijadeedii ka dhalatay ayaa middan dhashay.

 

Himilo

Hargeysa/Desk

No comments:

Post a Comment