Sunday, May 18, 2014

Diyaaradaha Dagaalka Kenya Oo Duqeeyey Goobo Ku Yaalla Degmada Jilib

Jilib:May 18, 2014 (Himilo)-Diyaarad dagaal  oo ay leedahay Dawladda Dalka Kenya ayaa maanta Duqayn u geysatay Goobo ka mid ah Degmada Jilib  ee Gobolka Jubbada dhexe oo ay Xoogaga Al-shabaab ku xooggan yihiin.

duqaaaWararka Weerarkaasi way xaddidan yihiin, waxase jira warar sheegaya in ka hor intii aanay diyaaraddu duqaynta Geysanin iyada lafteeda la weeraray oo Gantaallo lagu tuuray, kadibna ay ku jawaabtay Gantaal.

 

Magaalada Jilib ayaa waxay 320-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Muqdisho, halkaas oo saldhig weyn u ah Xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

 

Sheekh Ibraahim Abuu-Xamza oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ayaa isna warbaahinta u sheegay in duqeyntu ay dhacday, balse aysan jirin wax khasaare ah oo gantaalladan ay ka geysteen deegaanka.

 

“Cadowgu waxay isku dayeen inay argagax-geliyaan carruurta iyo haweenka ku nool magaalada Jilib, waxayna gantaallo ku dhufteen duleedka magaalada, balse Alle mahaddiis ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay,” ayuu hadalkiisa ku daray Abuu-Xamza oo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP.

 

Maxamed Xaashi oo ah goobjooge ku sugan degmada Jilib ayaa isaguna sheegay in duqeynta kaddib ay diyaaraduhu aadeen dhanka degmada Kismaayo, isagoo yidhi: “Gantaalladu waxay ku dhaceen dhul cidlo ah oo ku yaalla dhinaca jidka aada magaalada Kismaayo.”

 

Diyaaradahan ayaa la rumeysan yahay in laga leeyahay dalka Kenya, iyadoo ay diyaaradaha Kenya sannadkii lasoo dhaafay duqeeyay degmada Jilib iyo kuwo kale oo ka tirsan gobollada Jubbooyinka, halkaasoo ay ku dileen dad rayid ah oo aan waxba-galabsan.

 

Kenya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya ciidammo qayb ka ah AMISOM oo ka howlgala gobollada Jubbooyinka, inkastoo ciidamadan lagu eedeeyo inay gacan-saar la leeyihiin maamulka ka arrimiya Jubbooyinka.

Waxa jira warar kale oo sheegay in weerarku ku jihaysnaa Aqal la sheegay in waxyaabaha qarxa lagu farsamayn  jirey, kaas oo aan la hubin in Gantaalkii lala helay iyo In kale

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment