Tuesday, May 20, 2014

Diyaaradaha Dagaalka Kenya Oo Muddo 72-saacadood ah Duqayntii Labaad Ka Geystay Degmada Jilib

Jilib:May,20,2014(Himilo)-Sida uu sheegayWar goor dhaweyd naga soo gaadhay degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, Diyaaradaha Dagaalka ee Dalka Kenya ayaa Saddex Gudahood markii labaad Duqayn ka geystay Deegaankaas Jilib oo Shabaabku gacanta ku hayaan.

duay Diyaaradaha Kenya ayaa la sheegay inay badh-tilmaameydsanayaan saldhigyo ay leeyihiin xarakada Al-shabaab, man jiro war cad oo kasoo baxaya halka duqeynta ay ka dhacday iyo khasaaraha ka dhashay duqeynta.

 

Warar hordhac ah oo aan ka helnay degmada Jilib ayaa sheegaya in 8 qof ay ku dhaawacmeen duqeynta oo ay ku jiraan dad ka kooban hal qoys, iyadoo ay  jiraan warar kale oo sheegaya in duqyantaasi ay ku dhinteed dad shacab ah oo aan ahayn kuwii lagu waday.

 

Waa markii labaad oo ay diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn ka geystaan degmada Jilib muddo 72 saac gudahooda.

 

Duqeynta maanta ay geysteen diyaaradaha Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli shalay ciidamo ka tirsan xarakada Al-shabaab ay dagaal ku dileen in kabadan 10 askari oo Kenyan ah duleedka magaalada Mandheera.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment