Thursday, May 1, 2014

GABOOYE IYO GUMEYSTEYAAL: Goobitaanka Geesi Walaaleeya Somaliland!‏




Waa riwaayad qoran. Curiyaheedu waa Siciid Gahayr… Waxa soo saaray Akadamiga Suugaanta iyo Cilmibaadhista oo magaciisa rasmiga yahay SAM-KHAATUMO! Muddo afar bilood ah ayay soconaysaa haddii Alle idmo! Waa xujo ku socota nin kasta oo sheegta aqoon kuna abtirsada Somaliland. Alla maxaa indheer-garad ceeboobi doona marka la gaadho bisha sagaalaad haddii Eebbe igu simo. Waa geed ay ku garnaqsan doonaan Gabooye iyo beelaha kale ee Somaliland oo riwaayaddu u aqoonsanayso Gumeysteyaal. Haddii la ii hanjabi lahaa, waxa aan ogahay in samirka lagu gaadho guul! Dhaaxo ayaan qalin, af, caqli, caaddifad ugu adeegay reer Somaliland, gaar ahaanna inta aan ka guursan Gabooye. Nin liisan bixi kara oo aan cay aan u debcin baan ahay, halgankii Nebi Maxamed ayaan ka bartay casharro aan ku tamariyo. Magaca aan sitaa waa Gabooye, waxa aan hiil u ahay muslimiinta aad hayb-soocdeen! Waxa ka qayb-doona


 


Gobsoor: Jilaa ka socda beelaha wax hayb-sooca


Gumeyste: Wiil lagu ababiyay nacaybka Gabooye oo 13 jir ah!


Gaari: Dhabeel aqoonyahan ah, haweenay ka mid ah beel-weynaha Gabooye


Garaad: Madax-dhaqameed reer Somaliland ah


Gadhweyne: Caalin ku xeel-dheer diinta


Goomayste: Siyaasi gabay doorkii Gabooye ka mudnaa!


Ganacsade: Hantiile dadka ku guubaabiya in aan Gabooye laga guursan


Gadgaddoon: Shan-wejiile mar iska dhiga Abwaan, kol Macallin, Kol suxufi, kol


Gawgaw…. Fura albaabka, miyaanay Sheekhii, Abwaankii, Suldaankii, Garaadkii,


 


Madaxweynihii, Guddoomiyihii Baarlamaanka, Ugaaskii, Boqorkii, Aqoonyahankii, Wasiirkii, Agaasimihii guud, Taliyihii ciidammada Qaranka, Booliska, Asluubta, Garsoorkii maxkamadda iyo indheer-garadkii Somaliland joogin… garaac kale albaabka fura dee adeer, waa sidee….


Gabooye: Waaryaadheen iska warrama?


 


Gumeyste: Acuudu billaahi mina shaydaani rajiim. Waar kaagani xaggee ayaad naga soo salaantay. Ma geydid in aanu bariidada kaa qaadno, waxaad tahay midgaan, yibir, cadaqaate, samaayo-ururshe, ma magtii Bucur bacayrkii daallinka ayaad naga rabtaa! Adeer wiilba nooma dhalane, ma gabadhii uurka lahayd ee aad maalintii dhawayd sheedda ka dheehatay ayaad wiil moodday. Imaka samaayaha waxaanu siinaynnaa beelaha kale ee Somaliland. Aabbo wuxuu yidhi albaabka ha ka furina nin Daammi ka yimi!


 


 


Gabooye:


Daammi waa dhulkeenniyo


Degmadii Hargeysee


Duqa aanu tebaynnaa


Waa dabin-tigagahaas


Xumo kuu dardaarmee


Da’yaraan adaa wacan


Damiirkaagu korayaa


Diintiyo kitaabkaan


Marti daaddifaynteed


Daliil looga helin karin


Daayinkaan ku mariyee


Duhur baan u soo kacay


Inaan aabbe deex iyo


La wadaago doodee


Dafiraad hadduu baxay


Aniguna daleel iyo


Milic duuri maayee


Dhaaxuu digtaatoor


Igu doobinayee


Ii diirnax maantoo


Daayinkaan ku mariyee


Darmo ii dhig gogoloo


Islaam baan kuu diran


Deyn waxan ku leeyahay


Duunyada ka haystee


Adigoon dambaabidho


Igu sii dinnaahiyin


Duunyo goobi maayee


Daliilkuu cuskaday sheeg


 


Gumeyste:


Wuxuu yidhi aabbo


Hadduu jin istaaago


Afuufaya naaro


Gabooyuhu waa ul


Iblaysku ku guuro


 


Wuxuu yidhi aabbo


Midgaanka urtiisa


Hadduu iniq maanku


Sankaaga uftiisa


Udgoon ma qireenba!


 


Wuxuu yidhi aabbo


Dad weeye islaamka


Ku sheegta af beena


Haddaad irbad siiso


Ammaanada leexsha


 


Wuxuu yidhi aabbo


Dad weeye aqoonta


Sidii uskag mooda


Iskuulka ma joogo


Dharaar ardaygoodu


 


Wuxuu yidhi aabbo


Aheey liq xalaala


Afkoodu ma quuto


Illaa Ingiriiska


Bakhtaa u ah oonta


Arsaaqda u fiican


 


Gabooye


Adeero adeero


Istaaqfurllaay dheh


Hadii jin istaago


Acuudu bilaahi


Eraan didiyaaye


Hadduu yay islaam dhab


Kumaa isir-gooyay


Agoonta woqooyi


Afweyne cidduu yay


Kumaa afti qaaday


Inaan nahay uunka


Dad iinta u kow ah


 


Udgoonka naftayda


Hablaa ubaxaygu


Nin uunsi u jeelay


Haddaan mar u oogno


Uhduu u dhacaaye


Irdhaynta dhashayda


Ujeeddadan weecsan


Kumaa akhriyaaya?


 


Kumaa i amaahshay


Adduunyo dhaqaale


Dabeed inkiraadda


Afkaygu ku dayrshay


Ilaaqda dadkiinnu


Xun bay uriyaane


Kumaanan oofin


Wuxuu axdi doono?


 


Abaabul tacliinta


Haddeer ADEM fiiri


Libaanna bal eega


Ogow waa Barkhad waa gob


Istaahil wasiir ah


Haddaan jahli eednay


Awaare ka toosnay?


 


Haddaan bakhti eegto


Ableyda biraynta


Maxaan u afeeyay


Hadmaan abxaddayda


Inkaarta u quudhay


Bal keen marag iinta


“anaa arkayeey” leh


Asluubta waxsheegga


Edaabta ha laalin


Waxaanad ogeynba


Odhaahda ka dhawrso


 


Gumeyste


Ollogaygu waa dad


Amintiiba beenta


Ku afuufa meele


Tusbax oogadaada


Ka iftiima qoorta


Sujuddiyo ilayska


Araggaygu dheh


Ixtiraamka weedha


Edebtaada fiican


Dhegta waa u eegga


 


Orta baaqa yeedhmo


War idaacaddaydu


Eedaanka sheegto


Aroortii ma dhuuxo


Sadarkay aroorta


Uugaanka beenta


Inaadeerku baahsho


Arrad baa ka muuqda


 


Adoogay warkiisa


Asmacaan maqlaaye


Wuxu aabbo leeyay


Aji baan haybta


Eebbaa na doortay


Annagaa dastuurka


Ku aguugna beenta


Iidoorku waa dad


Xamar eersanayaa


 


Aargoosi hoose


Axdiyaal ku qaatay


Arbe waa docdooda


Oday waa dhankooda


Aqallada wakiilka


Qeybe waw ilduufnay


Ubucdiyo wasiirka


Madaxweyne eegto


Ictiraafka doone


Arrimaa gudaa xil


Amnigaan u gaadhnay


Ahe maalka Haashin


Abtirsiimo leexsan


Kuma aamminayo


Ereyada tacliinta


UFO yaa labeeya


Aqallada garsoorka


Aarkaa fadhiista


 


Sidaan kuu af-duubay


Awdaleey car nuuxso


Ku-xigeen la aammus


Anigoo ESTII ah


Adh-caddeeye yaa leh


Maakhirow astaynta


Ku afuuf Darwiishka


Faqash ima amrayso


Rayaalow ushaydu


Irriday ku dhaafin


Tolwaa waa ab Daahir


Illow waan halmaamay


Abaal yeelan maayo


 


Haddii aad iskuulka


Afar gee i leeday


Eeggaan ku siine


Uugaanka jooji


Aakhiraa caddaalad


Alle keenayaaye


Adkaysoo sab baad tay


Midgo oomintoodu


Ajar weeye khayrleh


Gunta waan albaabi


Gobta waan ilaashan


Yibir waan adeegsan


Eedduu xambaaran


LASOCO


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment