Salaaddiinta Somaliland maxay ka yidhaahdeen ujeeddada Madax-dhaqameedka Soomaaliya Hargeysa u yimaaddeen?
Hargeysa, 10, May, 2014-(Himilo)- Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID iyo Salaaddiinta Somaliland, ayaa kulammo kala duwan la yeeshay Madax-Dhaqameed ka socda dalka Soomaaliya oo Arbacadii soo gaadhay magaalada Hargeysa, ka dib markii ay ka soo kicitimeen Muqdisho, kuwaasoo ay xog-waraysiyo ku saabsan ujeeddada socdaalkooda iyo cidda Hargeysa ku soo marti-qaadday la yeeshay Odayaasha.
Xubno ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo ka hadlay kulan qado-sharaf ah oo uu Xisbigu shalay Huteel Ambassator ee magaalada Hargeysa ugu sameeyey Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya ka socda, waxaanay Masuuliyiinta UCID sheegeen inay Odayaasha soo dhawaynayaan, isla markaana uga fadhiyaan inay ka warbixiyaan ujeeddada socdaalkooda iyo cidda dalka Somaliland ku soo casuuntay. Waxaanay Odayaasha Dhaqanka ee dhanka Soomaaliya ka yimi ku doodeen in socdaalkoodu la xidhiidho is-dhex-galka Bulshooyinka Somaliland iyo Soomaaliya iyo inay Somaliland ka bartaan dhismaha nabadda iyo hannaanka dawladnimo ee ay ku naalloonaysay dhawr iyo labaatankii sano ee ugu dambeeyey.
“Maanta intaas oo Madax-dhaqameed ah oo 23-sannadood ka bacdi markii ugu horreysay Somaliland soo booqday oo Soomaaliya ka socda, waxaannu is lahayn malaha maanta Ictiraafkii bay idiin wadaan. Laakiin, is-dhex-gal Bulsho iyo wax baannu idinka baranaynaa runtii maannaan idinka filayn.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo ka mid ahaa Masuuliyiinta UCID ee kulankas ka hadlay, waxaanu sheegay in gooni-isu-taagga iyo madax-bannaanida Somaliland tahay mid ku timi go’aan shacab oo aanay Xisbi, Xukuumad iyo dawladi toona keligeed go’aamin karin ee shacabku go’aansaday, isla markaana aanay diyaar u ahayn Midnimo Soomaaliweyn lixdankii ka dib.
Guddoomiyaha Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Odayaasha ka yimi Muqdisho ee kulanka shalay UCID ku casuumay ka hadashay, ayaa mahad-naq ka dib ka warramay ujeeddada socdaalkooda, waxaanu yidhi; “Waxaan rabnaa inaan idiin sheegno socodkayaga, ujeeddadiisa iyo muhiimadda uu xambaarsan yahay, Annagu waxaannu nahay Guurti Soomaaliyeed oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho, soona booqday Walaalohooda Somaliland, sidaa ayaannu ku nimid, muhiimadda aannu u nimidna ta ugu horreysaa waxa weeye is-dhex-galka Bulshada iyo inaannu idiinku hambalyeyno horumarka aad ka gaadheen nabadda dhisiddeeda, dawlad-wanaagga iyo runtii wax badan oo lagu faani karo inaad qabateen, annaguna aan idinkula diirsannay, idinkuna aad ku ammaanan tihiin.”
“Arrimahaa inaan idin kula naalloonno, idiinku hambalyeyno oo idiinka mahad-naqno, runtiina fududayno Bulshada Walaalaha ah ee Somaliland joogta ama Soomaaliya inteeda kale joogta inay is dhex mari karaan, Walaaloobi karaan, wax badan oo horumar ahna wadaagi karaan.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Xasan Xaad.
Oday Xaad oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Waxaad ogtihiin oo aad Markhaati ka tihiin Wufuud intaa le’eg oo dhaqan oo Soomaaliya ka kooban qaybeheeda kala duwan ee Koonfurta, waxaan isleenahay waa taariikh cusub, waxaanay u geli doontaa ummadda Walaalaha ah Baal Dahab ah. Markaa, waxaan rabnaa inaan waddadaas furno, sidaasna ay haddii Allaah yidhaahdo ay ku noqoto Sunne ummadda Walaalaha ahi ay ku kala faa’iidaystaan, markaa socdaalkayaga muhiimadda ugu horreysaa waa intaas.”
“Waxaan rabnaa inaannu wanaagga idinka baranno, idinna haddii Alle idmo intaas oo kale dabcan way iman doontaa. Markaa, waxaan rabnaa inaan idin xasuusinno mar walba dadku inay isu baahan yihiin, waxyaabo badan oo aan lagu kala maarmi karini inay jiraan, arrimahaas oo dhan markaa inaan wadaagno annaga iyo Walaalahayaga Somaliland xagga dhaqanka iyo arrimaha ishtimaaciga ah ee Bulshada aanay ka fursan karin, ayaannu robnaa inaan horseed u noqonno Insha Allaahu, wixii hadda ka dambeeyana ay dadku awood iyo karti u yeeshaan inay is dhex-galaan.” Sidaa ayuu yidhi Oday Xaad.
“Annagu Oday Dhaqameed baannu nahay idinkuna Xisbi siyaasadeed baad tihiin, markaa warkeennu laba dhinac buu kala jiraa, taas inaad garataan waan jeclaan lahaa. Waxa la yidhi; ‘waxaad aragtaa wuxu ka fiican yahay waxa laguu sheego. Annagu Muqdisho kalamaannu soo tegin inaan ku xiiqno oo wakhti badan iska gelinno ‘gooni-isu-taaggu waa muqaddas iyo midnimadu waa muqaddas labadaas midna soomaannaan qaadan, idinna hadda naga baadi goobi maysaan oo naguma jirto, taas inaad ogaataanna waan jeclaan lahayn.” Sidaa ayuu yidhi Oday Maxamed Xasan Xaad.
Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Taasi waa qodob. Qodobka kale ee aan rabo inaan ku istaago waxa weeye; meeshan waxa aan jirin ee noo muuqda ee maqan waxa weeye wadahadal la’aan, waxaana idinka muuqda gaax fara badan, war badan baa idinku maqan, warkaa markaa inaad dhashaan daawo ayay idinku noqonaysaa. Markaa, warkan aad noo sheegteen, shalayna (dorraad) Salaaddiintu noo sheegeen inaad nagu koobtaan waxaan soo doonannay bay ka mid tahay inaan wax ogaanno.”
“Midda kale waxaad rabtaan ee aad ku noqnoqonaysaan waa iga talo ee Hargeysa ma yaalliin, gooni-isu-taaggu Hargeysa ma yaallo, markaa meesha uu idinka jiro inaad ka jirtaan aad bay u fiicnaan lahayd, oo cidduu idinka dhexeeyo ka baadi-gooba oo ku qanciya waxaad idinku ku qanacdeen, taasina waa iga talo.” “Annagu waxaannu u nimid waxa weeye wax ugub ah inaan bilawno, waanay muuqataa in war loo baahan yahay, oo wadahadal loo baahan yahay aad bay u muuqataa. Markaa, Walaallayaal soo dhawaada, haddaad qabteen Barnaamij siyaasadeed oo qarsoon inaan la hillaabannahay taa ka fayoobaada taasi meesha kuma jirtee.” Sidaa ayuu yidhi Oday Xaad.
Maxamed Xasan Xaad waxa uu sheegay inaanay dawlad Soomaaliyeed wakiil ka ahayn ee ay wakiil ka yihiin Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka yimaaddeen, waxaanu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan ka jawaabo su’aal ahayd ma idinkaa isa soo abaabulay mise dawladdaa idin soo dirtay? Annagaa isa soo abaabulnay, Barnaamijkayagu waa mid shacab, Odayaal Dhaqameed baan nahay, Guurti baannu nahay, Shacabkii aannu ka nimi ee Soomaalida Koonfurta ayaannu ka wakiil nahay ee dawladda wakiil kama nihin.” “…..Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo Xamar bay joogaan idinkaa naga maqan ee taasna ogaada.” ayuu Oday Xaad raaciyey hadalkiisa.
Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar iyo Suldaan Yuusuf Maxamed Xiiray oo ka mid ah Salaaddiinta reer Somaliland oo sheegay inay Khamiistii kulan Casuumad ah u sameeyeen Madaxda Dhaqanka ee Soomaaliya ka yimi, ayaa sheegay inay waraysteen Odayaashaas, isla markaana weydiiyeen cidda Somaliland ku soo casuuntay iyo ujeeddada socdaalka ay Hargeysa ku yimaaddeen.
“Madax-dhaqameedka Somaliland, waxay la kulmeen Weftiga ka socda dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, kuwaasoo isugu jira Malaaqyo, Wabarro, Ugaasyo, Salaaddiin, Boqorro, Immaamyo, Cuqaal iyo Guddoomiyayaal, waxaannu weydiinnay haddaannu nahay Salaaddiinta Somaliland waxay u socdeen, waxaanay yidhaahdeen; ‘waxaannu u soconnay inaannu idho-indhayno nabadgalyadiinna iyo waxaad qabsateen iyo Qarannimadiina, iyo inaannu wax idinka baranno. Waxaannu weydiinay yaa idin soo casuumay, waxaanay noo sheegeen inay iyagu doonayaan inay nabadgalyada Waddankan arkaan, waxayna naga codsadeen inaannu wax kala qabanno dhibaatada haysata, waannuna u ducaynay.”
Suldaan Xiirey waxa uu intaas ku ladhay oo yidhi; “Kulankaa waxaannu kaga qayb-galnay 48 Suldaan, Rag Guddi ah ayaannu u saarnay inay la hadlaan, waxaannu si caddaan ah ugu sheegnay in Qarannimada Somaliland tahay biyo kama dhibcaan aan laga noqonayn, waxaannu ka codsannay inay xuska 18-ka May nagala qayb-galaan, waanay naga aqbaleen.”
Sidoo kale, Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar, ayaa isaguna sheegay inay u sheegeen Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ee Hargeysa ku sugan inay qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland tahay lama taabtaan iyo go’aan shacab. “Waxaannu u sheegnay qaddiyadda Somaliland halka ay taagan tahay hadday og yihiin iyo haddaanay ogeynba. Waxaannu u sheegnay in codka aannu ku hadlaynaa yahay codkii shacabka, Xisbiyada iyo Xukuumadda maaddaama oo aannu nahay Madax-dhaqmeedkii Somaliland ee Shacabka Wakiilka ka ahaa.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment