Waxaynu ognahay inay dunida inteeda badan ka dhacaan shilal iyo aafooyin dad samee ah iyo kuwo dabiici ahiba. Aadamaha dunidan ku noolina waxa uu isku dayaa inuu ka hor tago inta itaalkiisa ah dhibta ay keenayaan aafooyinkaasi iyo inuu yareeyo sida ugu dhakhsaha badan uguna habboon marka ay dhacaan aafooyinkaasi.
Aafooyinkaasina waxay u badan yihiin kuwa aan la sii ogaan karin waqtiga ay dhacayaan iyo goobta ay ka dhacayaan, sidaas awgeed waxay u baahan yihiin in laga sii tabaabushaysto,oo loo diyaarsado waxyaabihii lagu daawayn lahaa waqtiga ay yimaadaan. Cidda ugu mudan ee looga baahan yahay inay ka hor inta ay samayn karaaan sameeyaan waa dawaladaha Dhexe ama hoose ee ka dhisan dal ama degmo.
Haddaba, toddobaadkan waxa magaalada hargeysa ee caasimada dalka somaliland ka dhacay labo dhacdo oo naxdin iyo murugo lahaa, oo geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur ama baaba hantiyeed, waxaynu la wada soconaa labadii shil ee isxigay ee ka dhacay magaalada hargaysa ee kala ahaa dhacdada koowaad gubashada kaalinta shidaalka kaah ee ku taala bariga hargeysa ee gabi ahaanba shufbeeshay inay keentay khasaare naf iyo maalba leh oo ah dhaawac fudud iyo burburka dhismihii iyo baaba gaadiid, qalab iyo alaabtii la iibinayeyba.
Dhacdada labaadna waxay ahayd gubashada gaadhi booyad ah oo siday shidaal inay si lama filaan ah ugu gubatay goob xaafad ah oo ku taala degmada ibraahin koodbuur, isla markaana uu ku naf waayey wadihii booyadu ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee, halka nin kale oo la socday uu isna dhaawac soo gaadhay, gaadhigii booyada ahaana gabi ahaanba baabay.
Labadan dhacdo waa kuwo qadarka alle ku yimid khasaarahaasi weynina uu ka dhashay, balse waxa xusid mudan in dhibaatadani laga hortago amase khasaaraha ka dhalan kara la yareeyo si aanu ummadda ugu fidin waxa si hagar la’aan ah oo wadanimo ku jirto ugu hawlgashay shirkada DAHAB SHIIL.
Sidaasi awgeed waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa mulkiilaha, masuuliyiinta shaqaalaha shirkada dahabshiil ee u badheedhay qaatayna doorkii ay dawladda hoose lahayd, isla markaana marka kasta oo uu dhaco shilalka noocan oo kale ahi shirkada dahab shiil waxay ugu hawlgashaa si mug leh, waxaan odhan karnaa dahabshiil waxay dadkii ku soo celisay macaashkii ay ka heshay, waxaana loo baahan yahay inay ganacsatada kale ku daydaan oo marka laga tago inay ku ilaashadaan ganacsigooda iyo hantidooda maguurtada ah ay faa’iido u tahay dadka danyarta ah ee aan awoodin inay al tacaalaan aafooyinka dabiiciga ah ee la kulma.
Dadkeenu ma dareemaan faa’iidada uu leeyahay qalabka damdamiska, laakiin dadku waxay ogaadaan oo la xasuustaa marka shilku uu dhaco, isla markaana uu gaysto dhibaatooyin farabadan oo isugu jira naf iyo maalba.
Faa’iidooyinka uu qalabka dabdamiska bulshada u leeyahay waxa ka mid ah, inay yareeyaan in aanay dhibaatadu intaa sii dhaafin, oo ay ku koobnaato inta xayndaabka la ah halka uu dabku ka kacay, Waxa kale oo ay door muhiima ka qaataan ilaalinta deegaanka waayo waxay yareeyaan dhibaatada uu gaadhsiin karo dhirta iyo xayawaanka ku nool oogada dhulka ku gedaaman halkaa ay ka dhacdo dhibaatadu.
Waa wax wanaagsan inuu jiraa dabdamis oo marwlaba diyaar ah waanay keeni kartaa dawlada hoose dabdamisyo casri ah oo ku filan Magaalada hargeysa, oo si sahlan uga hawl gala iyo shaqaale loo tababaray oo saacad kasta heegan u ah. laakiin marka aad qiimayso heerka dawlada hoose ee hargeysa uga hawlgashay labadan dhacdo waxa kuu muuqanaysa inay ku fashilantay inay buuxiso baahida loo qabo ka hortaga aafooyinka iyo badbaadada umada oo aheyd in la helo dabdamis magaalada oo dhan wada gaadha, si loo yareeyo dhibaatada intan le’eg ee ka dhalan karta aafooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad sameega ah.
waxa kale oo lagama maarmaanah in goobaha ganacsiga oo dhan lagu dhiirigaliyo amase lagu qasbo inay yeeshaan oo meheradohooga dhexyaalaan dabdamiska degdeg ah ee loogu tala galay in markaaba lagu bakhtiiyo dabka inta aanu xoogaysan waana mid raqiis ah oo qof waliba iibsan karo.
Waxa kale oo loo baahan yahay in la sameeyo sharci ku wajahan kaalmaha shidaalka iyo in dib loo eego goobaha haatan kaalmuhu ku yaalaan oo ah meelo ka mamnuuc ah wadamada dhigeena ah in laga dhiso kaalmaha shidaalka, sida meelaha xaafadaha ee dadku dagan yihiin iyo suuqyada dhexdooda iyo faras magaalaha iyo meelaha cidhiidhdiga ah ee ay dadku ku badan yihiin, waxaana loo baahan yahay in ay ganacsatada iyo dadka shidaalka ku shubanaya gawaadhida ay ogsoonaadaan siyaabaha dabka dhalin kara si ay uga digtoonaadaan.
ALLAA MAHAD OO DHAN U SUGNAATAY
W/Q. Cabdiwahaab Aadan Cali
Tell: 063-4108850, 9403886
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment