Paris, 06 May, 2014 (Himilo)- Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo la xidhiidha cudurka dabaysha oo laga digay inay halis caafimaad ku keeni doonto adduunka haddii aan waxba laga qaban, iyaga oo taas ku sababeeyey xannuunkan oo bilihii u dambeeyey sare uga kacay daafaha dunidda.
Qaylo-dhaanta Qaramada Midoobay ka dirtay halista cudurkan oo soo saartay gudoomiyaha hay’adda caafimaadka adduunka, Margaret Chan, ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey kulamo degdeg ah oo khubaro ku takhasusay xanuunka dabayshu ku soo jeediyeen in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah, si xanuunkan looga daaweeyo guud ahaan adduunka.
Lixdii bilood ee u dambeeyey xaalado cudurka dabaysha ah, ayaa lagu arkayey lagu arkay waddamo ay ku jiraan Afghanistan, Cameroon, Ethiopia, Equatorial Guinea, Iraq, Israel, Nigeria, Pakistan, Somalia iyo Syria.
Hay’adda WHO ayaa sidoo kale xaqiijisay in waddamo ay ku jiraan Cameroon, Pakistan iyo Syria ay dhoofiyaan xanuunkan, taas oo ka dhigan in dalalka jaarka ah uu u gudbi karo xannuunkani.
"Maadama la xaqiijiyey in fayraska xanuunkan la dhoofin karo, lana soo dejin karo, waxa macquul ah inay halis ku timaaddo wadammada kale, waana sababta aanu u iclaaminay xaalad degdeg caafimaadka aduunka,” sidaa waxa sheegay, Bruce Aylward oo ah Agaasimaha guud ee WHO.
Doodaha xoojinaya baaqan ayaa lagu sheegay in faafidda xilligan ee cudurka dabayshu dhacayo wakhti aan lagu aqoon inuu faafo, balse marka la gaadho bishan May iyo waxii ka dambeeya ay ku beegan tahay xilliga uu sida xawliga ah u faafi cudurkani.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment