Hargeysa (Himilo) Wasiirka madaxtooyada somaliland mudane Xirsi Cali X Xasan ayaa ka warbixiyey ahmiyada ay leedahay dhismaha wadada isku xidha kalabaydh ilaa wajaale, ee haatan dhismaheeda la dhamaystiray isla markaana madaxweyuuhu furay.
Wasiir Xirsi ayaa warbixintan oo qoraal ah ku baahiyey bogga internetka uu ku leeyahay ee loo yaqaano Guusha.com, warbixintaasina waxay u dhignayd sidatan:-
“Waxay ahayd maanta kadib markii Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud socdaal ku tegay magaalooyinka Gabiley, Kalabaydh iyo Wajaale
Socdaalkan oo muhiimadiisu ahayd in si rasmi ah xadhiga looga jaro jidka isku xidhaya Magaalooyinka kalabaydh iyo Wajaale oo markii u horaysay noqday jid laami ah kasoo wax badan ka tari doona isku socodka dadka iyo gaadiidka
Waxaa hubaal ah in jidadku yihiin kaabe dhaqaale oo wax badan ka tara kor u qaadida dhaqaalaha amaanka iyo is dhex galka bulshooyinka.
Waxaa xaqiiq ah in Waddo walba oo dalkeena ka socota ay leedahay muhiimad gaar ah isla markaana u horseedayso qarankeena horumar,
jidkan maanta la furay “ Kalabaydh – Wajaale” ayaa noqonaya mid qiimo badan u leh qarankeena maadama jidkani isku xidhay maaha kaliya laba degmo balse laba dal “Somaliland, Ethiopia”, maadama aan ognahay in ay ahayd inta kaliya ee labada dal bilaa laami ka ahayd.
Maanta waxay ahayd Farxad iyo fursad dalkeena u soo korodhay isla markaana taariikh inoo noqon doonta.
Somaliland waa Taariikh Nool
Wa Bilaahi Tawfiiq.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:
Post a Comment