Hargeysa (Himilo)Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa wakiil cusub u magacaabay inuu somaliland u fadhiyo dalka turkiga, waxaana magacaabistaasi lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxweynaha, war-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran waa kan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2467/052014 Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiyidoona dalka Turkiga.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Turkiga;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay: in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cali Axmed Cismaan (Tuuhe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Turkiga.
ALLAA MAHAD LEH
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment