Sunday, May 4, 2014

Madaxweyne Silaanyo oo Xadhiga Ka Jaray Wadada isku Xidha Kalabaydh Iyo Wajaale




Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)  iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayey ayaa socdaal shaqo ku tagey degmada wajaale ee gobolka gabiley, taasoo si diiran u soo dhaweeyeen dadweynaha ku dhaqan deegaanadaasi.


Furitaanka wadada wajaale 02Furitaanka wadada wajaale 2Ujeedada socdaalkan oo ahayd dhamaystirka jidka isku xidha Kalabaydh iyo Wajaale, taasoo uu Madaxweyne Silaanyo xadhiga ka jaray wadada halbawlaha ah ee isku xidha wajaale ilaa kala baydh oo sidaynu la soconay beryahanba ay ka socotay dhisme laami ah oo noqotay markii ugu horaysay taariikhda ee ay wajaale iyo kala baydh isku xidhmaan.


Furitaanka wadada wajaale 3Dhismaha wadadan oo  runtii  xukuumada Talada haysaa  ku guulaysatay inay ka dhabayso balan qaadkii ay Bulshada Reer Wajaale ama Gobolka Gabiley ay u balan qaaday ayaa saaka noqotay riyo U rumawday shacbiga Gobolka Gabiley.


Furitaanka wadada wajaale 4Dhinaca kale  madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray Cusbitaalka Degmada Wajaale oo isna hada Gebegebo ku dhaw xukuumaduna ay fulisay balanqaadkeedii ahaa inay ka hirgelindoonto madaxweynuhuna uu hore u dhagax dhigay Cusbitaalkan aad sawirada ka aragtaan hada.


 Ugu danbeyn Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale oo hadal kooban ka jeediyey furitaanka wadada  halkan ka dhegayso.


HALKAN KA DHEGAYSO


[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/05/Codka-Madaxweynaha-ee-Furitaanka-WadadaWajaale.mp3"][/audio]


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment