Tuesday, May 6, 2014

Maraykanka oo ka hadlay Nooca Wada-shaqaynta u dhaxaysa Xukuumadda Somaliland iyo Xilliga ay ka hawl-galayaan Muqdisho




Kinshasa 06 May, 2014 (Himilo)- Dawladda Maraykanka, ayaa shaaca ka qaadday inay magaalada Muqdisho hirgeliyaan xafiis metala saxaafad ay ku yeeshaan dalkaasi Soomaaliya, kaas oo si ku-meel gaadh ah uga furnaan doono gudaha safaaradda Ingiriiska.


us foriegnWasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanka, ayaa sheegtay inay dibloomaasiyiin u metela arrimaha dalkooda ka hawl-galinayaan xafiis looga dhex samaynayo safaaradda Ingiriisku ku leeyahay magaalada Muqdisho, ka hor inta aanay si rasmi ah xadhigga uga jarin safaaraddooda Soomaaliya oo sidoo kale qaban doonto hawlaha kaga xidhan Somaliland, sida lagu faafiyey war-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.


 “Waxaan ka fikirayna abilo ka dib, maaha sannado. Waxaan ka calaamadsanay goob madaarka u dhow. Xukuumada Ingiriisku dhowaan ayey furatay, waxa noo socda wada-xaajood ku saabsan sidii aanu dublamaasi Maraykan ah u sii fadhiisan ahaa xafiiskooda,” ayaa lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.


Sidoo kale, qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxa lagu xusay qaabka dawladda Maraykanku xidhiidhka wada-shaqayneed ee dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka kala yeelanayso Xukuumadda Somaliland, waxaanay ku sheegeen in hay’adda USAID laga heli karo macluumaadka deeqaha Maraykanku ku caawiyo Somaliland.


“Waxaanu sidoo kale wada-shaqayn naga dhaxaysaa xukuumada Somaliland, wixii tafaasiil dheeraad ah ee deeqaha aan bixino ku saabsanm, waxa laga heli karaa USAID,” ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, kaas oo jawaab u ahaa su’aal laga weydiiyey qaabka ay dawlad ahaan u qorsheeyeen kaga hawl-galaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo heerka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Xukuumadda Somaliland.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment