Maxay Xeer-ilaalinta iyo Garyaqaannadu ku sababeeyeen xadhigga labada Suxufi
Hargeysa, 11 May, 2014 (Himilo)- Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ayaa shalay xadhig rummaan ah ku ridday guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska xayiradda la saaray ee Haatuf oo shalay Maxkamaddu dhegaysanaysay dacwad masuuliyiin xukuumadda ka tirsan dhibaneyaal ka yihiin oo xeer ilaalinta u gudbisay maxkamadda.
Dacwadda loo haystay masuuliyiinta Wargeyska Haatuf, ayaa la xidhiidha warar ku saabsan mus-maasuq iyo wax isdaba-marin lala xidhiidhiyey masuuliyiinta xukuumadda qaarkood, taas oo sababtay in badhtamaha bishii hore Albaabada loo laabo Xarunta Wargeyska.
Guddoomiyaha Haatuf Media Group Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige, ayaa shalay markii ay dhammaatay dhegaysiga dacwaddu waxa uiu garsooraha Maxkamadda gobolka Hargeysa ku riday Xukun Rumaan ah oo Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa loogu diray, ka dib markii sida lagu eedeyey uu guddoomiyaha Haatuf maxkamadda dhexdeeda ka geystay aflagaaddo ka dhan ah anshaxa saxaafadda.
Fadhiga shalay lagu dhegaysanayey Dacwada loo haysto Masuuliyiinta Haatuf oo aan loo oglaanin inay saxaafaddu oo goob-joog ka ahaato, ayaa bilaabmay sagaalkii subaxnimo, waxaanay halkaas maxkamaddu ku soo bandhigay 11 qodob oo eedo iyo danbiyo kala duwan xambaarsan, kuwaas oo xeer-ilaalintu ku oogtay masuuliyiinta Haatuf, iyada oo ay maxkamadda goob-joog ka ahaayeen Wasiirrada Arrimaha gudaha iyo Macdanta oo dhibbaneyaal ka ahaa kiiska loo haysto Wargeyska, iyada oo maxkamaddu markhaati ahaan uga dhegaystay labada wasiir kiiska ay dhibbanaha ka ahaayeen, sida uu sheegay garyaqaan Xasan Cali Xasan oo ka mid ah garyaqaannada masuuliyiinta Haatuf ka difaacaya eedaynta loo haysto.
Garyaqaan Xasan Cali Xasan waxa uu sheegay inay maxkamadda kala kulmeen cadaalad-darro lagu tixgelin waayey nidaamka sharci ee garsoorka, isaga oo ku dooday in fadhiga maxkamaddu uu ahaa mid go’aamadiisa la qorsheeyey.
Garyaqaan Xasan Cali oo aanu wax ka weydiinnay qaabkii fadhiga dacwadda iyo dhegaysigeedu ku bilaabmay, waxa uu sheegay in maxkamaddu xoriyadda ka qaadday labada masuul markii u horreysya ee ay kedinka maxkamadda ka galeen, isaga oo ku dooday inuu fadhigu ahaa mid la sii qorsheeyey.
“Subaxnimadii Maxkamadda waxa laga soo buuxiyey ciidamo RRU-da oo waxaabay u muuqatay in loogu talo-galay oo kaliya kiiskan in lagu qaado saaka (shalay subax).
Markay sidaas u soo galeen guddoomiyaha Haatuf iyo Tifaftiruhu, waxa lagu xidhay shabagga lagu xidho dadka dambiileyaasha waaweyn, ayaa lagu xereeyey oo lagu qufulay,” ayuu yidhi Garsoore Xasan Cali.
Garsooruhu waxa uu tilmaamay gabbood-falo sharci oo ay maxkamadda kala kulmeen isla markaana la dhegaysan waayey soo-jeedimihii ay dacwadda iyo dhegaysigeeda ka dhiibteen. “Makamaddu waxay dhegaysiga dacwadda bilowday 9-kii Subaxnimo. Maxkamaddu waxay soo dhigtay 11 qodob oo eedo iyo dambiyo isugu jira, dabadeedna labadayadii Looyar baa hadalkii la wareegnay, waxaanu soo jeeddinnay inaanay sharciga waafaqsanayn waxyaabaha lagu eedaynayaa, laakiin nasiib-darrada jirtay, waxa weeyaan Maxkamadda iyo xeer-ilaalintaba waxaad moodaysay inay waxoodu iska diyaarsanaa, annaga wax kasta oo aanu soo jeedinno lama garawsanayn, markaa cabudhin caadi ah uunbay ahayd siday u socotay dacwaddu,” ayuu yidhi.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Markii ay saacaddu 12-kii dhaaftay, ayaa la dhegaystay laba markhaati oo kala labada wasiir ee Arrimaha Gudaha iyo Macdanta & Biyaha, wasiirraduna iyaga oo dhibaaneyaashii ah ayay haddana markhaadi ahaayeen oo iyagaa la dhegaysanayey.”
Xasan Cali Xasan waxa uu sheegay inay maxkamadda isaga baxeen markii ay arkeen inaanay maxkamaddu dhex ka ahayn kiiska u dhexeeya masuuliyiinta Haatuf iyo wasiirrada Xukuumadda ka tirsan. “Annagu waanu isaga baxnay maxkamadda markaanu aragnay sida loo afduubay, xeerkii saxaafaddana ma aqoosana oo waa la diiday, waxa la sitaa xeerkii Ciqaabka guud. Xeerka saxaafadduna wuxuuu dhigayaa in xeerka saxaafadda lagu qaado,” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray, “Dacwad garsoorku dhex-dhexaad ka yahay may ahayn, maxkamadda ayaa dhibbane ahayd oo tidhi anagaa wax lanaga qoray, markaa ninkaasi muu helin garsoor Cadaalad ah. Wasiirkii Arrimaha Guduhuna maxkamadda dhexdeeda wuxuu ka yidhi, awood baan leeyahay oo awood buu sheegtay, markaa meesha waxa ka dhacay in awoodda Qaranka laysu sheegtay.”
Sidoo kale, qareenka labaad ee dacwadda Garyaqaan Cismaan Askar Maxamed oo isaguna shalay ka warbaahinta kula hadlay maxkamadda horteeda, ayaa cabasho ka muujiyey qaabka garsooraha gacanta ku hayay dhegaysiga dacwadda, kaas ooo uu ku eedeyey inuu u janjeedhay dhinaca xukuumadda.
“Garsooraha dacwadda haya dhex-dhexaad kama aha, wuxuu u ciiray xagga xafiiska Xeer ilaalinta iyo wasiirrada awooddooda, sababtaas darteed baanu uga soo baxnay (Maxkamadda), halkii aanu uga wareegi lahayna waanu ka tashanaynaa. Waxaanu ka cabanaynaa Garsooraha dacwadda, cabbudin buu nagu sameeyey, aamusa, kama hadli kartaan ayuu nagu yidhi, taasina difaac ma noqonayso,” ayuu yidhi Garsoore Cismaan.
Dhanka kale, Xeer-ilaaliyaha gobolka Maroodijeex Axmed Cismaan Mire , ayaa xadhigga Masuuliyiinta Haatuf ku sababeeyey aflagaadooyin iyo falal-anshaxa ka baxsan oo uu guddoomiyaha Haatuf ka geystay maxkamadda horteeda, markii ay dhegaysiga dacwaddu dhammaatay garsoorihii maxkamaddu uu go’aansaday inuu ka xayuubiyo xoriyaddii ay bannaanka ku joogeen.
“Waxa uu ku kacay oo af-lagaaddo fal-dambiyeed anshaxii maxkamadda ka baxdsan oo cid kasta uu u jeedinayey. Garsoorihii maxkamadda ee dacwadda dhegaysanayey, waxa uu go’aansaday inuu kala noqdo xoriyaddii uu bannaan ku joogay,” ayuu yidhi Xeer ilaaliyaha gobolka Maroodijeex.
Haseyeeshee, garyaqaanka Xasan Cali Xasan, ayaa ku dooday inaanay jirin aflagaaddo Guddoomiyaha Haatuf kula kacay garsoorka iyo masuuliyiintii dacwadda balse ay hadallo markii dambe caytan isu-beddelay dhexmaray wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Yuusuf Cabdi Gaboobe. “Markii dambe ee aanu ka soo baxnay maxkamadda ayaanu maqlaynay waxa uu ka dhex caytamay maxkamadda, laakiin taasi may jirin ee wasiirka Arrimaha gudaha ayay hadal is-dhaafsadeen ahaa; adigaa been sheegaya iyo adigaa been sheegaya, waanay is-af dhaafeen, markaa labadoodu inay sharciga u sinnaadaan bay ahayd oo labadooda tallaabo laga qaado haddii cid tallaabo laga qaadayo,” ayuu yidhi Garyaqaan Xasan Cali.
Dhegaysiga dacwadda lagu haysto Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Haatuf, ayaa loo muddeeyey wixii ka dambeeya xuska 18-ka May, sida uu sheegay Xeer-ilaaliyaha gobolka Maroodijeex Axmed Cismaan Mire.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment