Wednesday, May 21, 2014

Ra’isal wasaaraha Somalia Oo Safarka Madax-dhaqameedka Reer Muqdisho ee Somaliland Jooga ku Macneeyey Mid Midnimo Salka ku Haya

Moqadisho:May,21,2014(Himilo) -Ra’isal wasaaraha Dawladda Federalka ah ee Somalia  Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka odayaasha dhaqanka ee dhawaan Somaliland Booqashada ku Yimi.

Cabdi-Weli-Sheekh-Axmed1Ra’isal wasaaraha  ayaa Safarka Odayaasha ku macneeyey mid salka ku Haya sidii mar kale loo abuuri lahaa jawi midnimo looga dhex dhalin karo Somalia iyo Somaliland, taas oo ah wax ka duwan wixii ay masuuliyiinta Somaliland hore shacabka ugu sheegeen.

"Waxa jira dedaalo badan oo socda oo ku saabsan sidii heshiis looga gaadhi lahaa arrinta somaliland, madax-dhaqameedkuna waxay ka mid ahaayeen dedaaladaas. Waa madax-dhaqameed wadankoodii tagay oo booqanaya dadkoodii kalana xaajoonaya midnimada Somaliya.” Sidaas ayuu yidhi Raysalwasaaraha Somaliya oo la su’aalay inuu ka warbixiyo 45-ka oday dhaqameed ee ka socda Somaliya ee tagay Somaliland.

Raysalwasaaraha Somaliya, waxa la weydiiyay bal I nay jiraan qorshe ay madaxdhaqameedka Somaliland iyaguna ku booqanayaan magaalada Muqdisho ee Somaliya, waxaanu ku jawaabay, "Waa wax furan, waanan rajaynaynaa inay yimaadaan, laakiin wakhti xaadirkan ma jiro qorshe noocaas ahi.”

 

Hadalkan Ra’isal wasaaraha ayaa fool-xumo iyo dhabar jab ku ah shacabka Somaliland, iyadoo hore masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Socdaalka odayaashan ugu sheegeen mid salka ku haya sidii ay horumarka Somaliland wax uga baran lahaayeen.

Arrimaha Shakiga hore u dhaliyey ayaa wax aka mid ahaa in xukuumaddu waftigan odayaasha ah si hoose u casuuntay, isla-markaana markii ay waddanka soo gelayeen saxaafadda udiidday inay Garoonka kula kulmaan.

Xukuumadda Somaliland ayaa haatan looga fadhiyaa inay jawaab cad ka bixiso hadalka Ra’isal wasaaraha Somalia uu hoos ugu dhigay Meeqaamka qaddiyada Somaliland.

 

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment