Wednesday, May 7, 2014

Soomaaliya: Maayar Baadhis Caafimaad loogu sameeyey Markab dagaal dushii




Nairobi, 07 May, 2014 (Himilo)- Markab dagaal oo lagu magacaabo 'Cristóbal Colón' (F-105) oo laga leeyahay dalka Spain qeybna ka ah hawlgalka la-dagaalanka budhcad-badeedka eek u sugan xeebaha Soomaaliya,  ayaa baadhitaan caafimaad dushiisa loogu sameeyey maayarka magaalada Xaabo iyo odeyaal la socday, ee Puntland.


markab-dagaalWarsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska hawlgalka budhcad-badeedka ee Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in ujeedadeeda adeegga caafimaad ee loo fidiyey maayarka iyo dhowr Oday oo deegaanka ka soo jeeda ay ahayd inay kasbadaan kalsoonida shacabka iyo isdhaafsiga macluumaadka iyo sida loola dagaalami karo budhcad badeedka.  


Maayarka magaalada Xaabo iyo odeyaasha la socday waxa ku qaabilay markabka dushiisa Taliyahii markabka Enrique Núñez de Prado, waxaana markii dambe loo sameeyey baadhitaan caafimaad oo ay fuliyeen dhakhaatiirta qaybta gar-gaarka deg-degga ah ee Markabka.


Saraakiisha Ciidan ee Markabka iyo Maayarka oo ay wehelinayeen Odayaasha la socday, ayaa markii dambe yeeshay kulan xog-wareysi iyo warbixino laysku dhaafsaday oo ku saabsan budhcad badeedka oo deeganka uu Maayarku ka taliyo si weyn uga hawl-gasha.


Himilomedia.com      


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment