Dooxa Huluuq oo xalay Fiidkii la tagay Laba Gaadhi oo waaweyn
Arabsiyo,10 May, 2014 (Himilo)- Dooxa Huluuq oo dhinaca Bari ka xiga magaalada Arabiyo oo ka tirsan gobolka Gabiley, ayaa xalay fiidnimadii qaaday laba gaadhi oo nooca Shaambooga ee ay Jaadleyaashu isticmaalaan, kuwaas oo isku-dayay inay xoog-maraan ku maraan dooxa biyaha Dooxa oo si xawli ah u socda.
Guddoomiyaha Degmada Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi Faarax oo xalay khadka telefonka ugu warramay Wargeyska Himilo, ayaa noo xaqiijiyeyey in la badbaadiyey dadkii saarnaa labada gaadhi, haseyeeshee dooxa oo biyihiisu si xawli ah u socdeen uu qaaday labada gaadhi oo ka tagay dhinaca magaalada Hargeysa.
Labada gaadhi oo ay iska leeyihiiin shirkadaha ka ganacsada Qaadka laga keeno dalka Itoobiya, ayaa xilliga uu dooxu qaaday faaurq ahaa waxaanu isugeyn saarnaa lix qof, kuwaas oo dhammaantood laga samato-bixiyey biyaha dooxa.
Darawalkii iyo Kirishboygii gaadhi ay leedahay shirkadda Qaadka ee FF oo numberkiisu ahaa 34,727SL, ayaa xaalad caafimaad loogu soo qaaday dhinaca magaalada Hargeysa, ka dib markii ay ku neef-qabatoobeen biyaha dooxa oo ka hor intii aan laga badbaadin gaadhiga ku dhex-jiray in muddo ah. Halka saddex qof iyo Darawalkii gaadhiga kale oo lumberkiisu ahaa 15,079SL lagu hayo saldhigga Dhexe ee magaaladaas, sida uu sheeegay guddoomiyaha degmada Arabsiyo.
“Dadkii waa laga badbaadiyey, laakiin labadii gaadhi ayuu dooxu qaaday oo waxa la soo sheegay xaggaas woqooyiga inuu ku aasay. Markaa labaadaas gaadhi oo daadku markuu yaraaday la ogaaday mooyaane, wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay ma jiro,” sidaa ayuu yidhi guddoomiye Cabdilaahi Cabdi Faarax.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inaanay jirin wax khasaare ah oo daadadka ku soo rogmada Dooxyada magaalada Arabsiyo u geysteen beeralayda iyo Xoolaha ku dhaqan degmadaas, haseyeeshee waxa uu sheegay Hal qof oo todobaadkii Dooxda Dhexmara magaalada Arabsiyo uu qaaday.
Guddoomiyaha Arabsiyo waxa uu dhaliilay hab-dhaqaka darawallada gaadiidka Qaadka, waxaanu yidhi, “Waxan waxa keenay waa masuuliyad-darrada ay dirawalladu leeyihiin, daadkii oo socda ayey ku dhex tuurayaan dooxa, waxaan odhan lahaa dawladdu nimanka noocaas ah ee qayrul-masuulnimada u badheedhaya in tallaabo sharciya laga qaado.”
Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidan oo kale dadweynaha magaalada Arabsiyo ugu gurmadeen Dadkiii saarnaa labada baabuur oo nooca raaxada ah, kuwaas oo dooxa magaalada Arabsiyo la tagay, waxaanay tirada gaadiidka muddo todobaad gudihii ay dooxda magaalada Arabsiyo qaadeen ka dhigaysaa Afar gaadhi oo ay ugu dambeeyeen labada Shaanbo-xayraan ee dooxa Huluuq shalay la tagay, sida uu guddoomiyaha degmadu noo xaqiijiyey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment