Saturday, May 10, 2014

War Deg Deg ah: Masuuliyiintii Wargeyska Haatuf oo Xabsiga Loo Taxaabay

Hargeysa, may,10,2014(Himilo)-Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa Xabsiga u taxaabtay Mulkiilihii Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo waliba Tifaftirihiisii Axmed Cali Cige oo ay dacwadi kaga socotay maxkamadda.

war-deg-dega12 Maxkamadda oo saaka Gudo gashay Dhegaysiga Dacwadda loo haysto Masuuliyiinta Wargeyska ayaa Amartay in xabsi rumaan ah loo diro masuuliyiinta, kaas oo inta la ogyahay lagu sheegay Toddoba cisho.

Dhegaysiga Dacwaddan oo ay dhibanayaal ka yihiin masuuliyiin xukuumadda ka tirsani, ayaa waxa ka soo qayb galay isla-markaana Su'aalihii looga Baahnaa laga weydiiyey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo macdanta Xuseen Cabdi Ducaale, kuwaas oo Halkaas ka sheegay eedaha uu wargeyskaasi ka galay ee ay sheeganayaan.

Garsooraha Kiiskan Gacanta ku hayey ayaa markii uu dhegaystay Dacwadda amray in Masuuliyiintan la xidho, waxana uu diiday Damiin ay dalbadeen Ehelladooda iyo waliba Ururada Xuquuqda Bani'aadamka u doodaa.

Dhegaysiga Dacwaddan ayaa sii socon doona, iyadoo ay masuuuliyiinta Wargeyska Haatufna qabsadeen  Qareeno Difaaci Doona.

No comments:

Post a Comment