
Xayeysiintan ayaa waxaa ka muuqda sawirka Adolf Hitler iyo Imaamkii hore ee magaalada Qudus Xaji Amin Al Xussein oo ahaa hogaamiye reer Falastiin ah.
Xayeysiintan ayaa waxaa lagu qoray in naceybka Muslimiinta u qabaan Yuhuuda ay ku taal Quraanka, isla markaana laga codsanayo dowlada Maraykanka inay gebi ahaan joojiso mucaawinada ay siiso dalalka Islaamka ah.
Xayeysiintan ayaa lagu wadaa in lagu dhajiyo basaska magaalada Washington bishan iyo bisha soo socota ee June.
Arrintan ayaa dood dhalisay, waxayna dadka qaarkood ku tilmaameen fariin cunsuriyeed, halka dad kale ay sheegayaan waxa ku qoran xayeysiintan aanay Taasi been ahayn.
Hay’adaha ku shaqada leh wax-ka-qabashada arrintan ayaan iyagu wali soo farogelin arrintan, kuwaas oo ku maqan ka fiirsasho, si aanay u qaadin tallaabo keeni karta in la iska hor yimaaddo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment