Monday, July 14, 2014

AMISOM Oo Iska Diidday Ilaalinta Xarumaha Hay’adaha Garsoorka Somalia iyo Ilka-xanaf Oo Qaylo-dhaan Ka Diray

Muqdisho:July,14,2014(Himilo)-Caydiida Ilka-xanaf oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somalia, ayaa Cabasho ka keenay Hannaanka Ciidamada AMISO u ilaaliyaan Goobihii loo igmaday iinay ka Hawlgalaan.

xanafCaydiid ilka Xanaf oo la Hadlay Idaacadda VOA-da, ayaa sheegay inay Ciidankaasi ka dhego adaygeen inay ilaaliyaan Goobaha ay ka Hawlgalaan Saraakiisha dhinaca Garsoorka waddanka ka shaqeeyaa.

Ilko-xanaf ayaa xusay in ilaalo la’aanta ay keentay in lagu dilo Muqdisho garsoorayaal badan, isagoo intaas ku daray in xarunta ugu weyn ee garsoorku ku shaqeeyo ay ilaaliyaan ciidammo Soomaali ah.

“Garsoorku wuxuu ka mid yahay saddexda hay’adood ee dalka ugu sarreysa, mana ilaaliso AMISOM, markaanu u sheegnay inay xarunta maxkamadaha oo ah halka garsoorku xilligan ku shaqeeyo ay ay ilaaliyaanna si cad ayay u diideeen,” ayuu yidhi Caydiid  ilka xanaf.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa sheegay in marka u doonayo in uu howl ama shir qabsado uu meelo kale ku qabsado nabadgalyo la'aan awgeed. wuxuuna intaas ku daray inaanu jirin hal garsoore oo ilaalo haysta, taasoo ah midda keentay in dadka howlaha garsoorka ka shaqeeya la laayo.

 

Mar uu ka hadlayay dacwooyinka la xidhiidha dadka loo haysto inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ayuu sheegay inay amni la’aan awgeed ay u qaadi waayeen Dacwooyinkaas oo kale, balse ay qaaddo maxkamadda ciidamada qalabka sida.

“Amni la’aan ayay maxakmadaha kale ee caadiga ah u qaadi waayeen dacwadaha la xidhiidha A-shabaabnimada, budhcadbadeednimada iyo siyaasadda, waayo iyagoo aan kuwaas qaadin ayaaba garsoorayaasha la laynayaa hadda, haddii ay qaadan maxaa dhici kara?” ayuu Avv. Caydiid Ilko-xanaf is-weydiiyay.

 

Isagoo hadalka sii wata ayuu sheegay in garsoorayaashu ay guryahooda sida shacabka oo kale u aadaan ayna kasoo shaqo tagaan iyagoo aan haysan wax ilaalo ah, taasoo uu xusay in dadaal badan ay ku bixiyeen sidii wax looga bedeli lahaa, balse aanayweli ku guuleysan.

 

Ugu dmbeyn, guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Somalia ayaa sheegay AMISOM ay ilaaliso xarumaha labada hay’adood ee kale sida fulinta iyo sharci-dajinta, balse ay diidday inay ilaaliyaan xarunta garsoorku ku shaqeeyo, taasna ay dib u eegis weyn ku sameyn doonaan.

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment