Monday, July 14, 2014

“Raytoow waxad qabato taariikhda ayaa sheegi doonta, Ina Buubaa-na Waxan Leeyahay Numberro badan baad Xamar Ka Haysaa oo xidhiidhkaaga waan Oganahaye……” Xildh. Bukhaari

Hargeysa:July,14,2014(Himilo)-Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali Bukhaari oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada eek a soo jeeda Xisbiga Kulmiye ayaa dhaliilo Kulul dusha ka  saaray Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo Masuuliyiinta.

bukhaariXildhibaan Bukhaari  oo maanta warbaahinta kula Hadlay Xarunta Golaha Wakiillada, ayaa  ganafka ku dhuftay Weedho Xisbiga Waddani ku duro Hannaanka Maamul  ee Madaxweyne Siilaanyo  iyo Shaki ay Geliyaan Hoggaamintiisa,

“Waxa soconayey in maalmahan xisbiga waddani uu warbaahinta u sheegayey in  madaweynaha Somaliland aan la garanayn cid dalka u talisa, guddoomiyaha waddanina uu yidhi baadhis kasta oo aanu samaynay inaanaan cid dalka u talisa aan la garanayn Hadalkaasina waa Hadal meel-ka-dhac ah oo aan ku haboonayn masuul masuuliyadda intaas le’eg dalka ka haya.” Ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari.

Xildhibaanka ayaa si cad u sharraxay Madaxweyne Siilaanyo iyo Waxyaabihii uu dalka u soo qabtay, isagoo farriintaasna u diraya Hoggaanka Xisbiga Waddani oo ku eedeeyey inaanay Guulaha Madaxweyne Siilaanyo u Qudhqudhsanayn, waxana uu yidhi,

“Somaliland waxa u taliya ruug-caddaagii SNM, Soamliland waxa u taliya Dhaqaale-yahanka Miisaaniyadii saddex laabay, Somaliland waxa u taliya hogaamiyaha Gaadhay Xuduudaha, Somaliland waxa talada u hay aka sameeyey Waddooyinkii laga caagay, Somaliland waxa u taliya Ninka sameeyey Madaarka aad quruxdiisa aragtay ee Beddelay Lacagtii Giimbaarta ahayd ee sameeyey Derejada ciidamada.”

Mudane Bukhaari waxa uu tilmaamay inaanay wax Qurux badan ahayn dhaliilaha Noocaass oo kale ah ee Xisbiga waddani uu caadada ka dhigtay, isagoo si gaar ah u magacaabay  Qadafyo uu ka sheegtay Xildhibaano Waddani  ka tirsan oo ay ka mid yihiin Rayte Iyo Ibraahim Mahdi Buubaa, waxana uu yidhi,

“waxan leeyahaya waxa Haboon inaan Erayada qaar la isku odhan nin la ogyahay taariikhdiisana aan la qarin, nin walibana waxa uu la soo baxo waa la eegi doonaa, Haddalladaas in xisbiga waddani ay Maalin walba isla soo taagaan rag badan oo Guddoomiyahooda, Afahayeenkooda, Ku-xigeenkooda Koowaad ay ka  mid yihiin iyo  Rayte oo caadystay cayda Madaxweynaha oo maalilnn walba caafimaadka Madaxweynaha wax ka sheega, Raytena waxan leeyahay Raytow waxad qabato taariikhda ayaa sheegi doonta, Ina Buubaa-na Waxan Leeyahay Numberro badan baad  Xamar ka Haysaa oo xidhiidhkaaga waan Oganahaye Nimaan shaqo ku lahayn ha Eedayn.”

Xildhibaan Bukhaari ayaa Eedahan uu Waddani u soo jeediyey ku soo Aadayaan  xilli Xisbigaasi Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay mid ku fashilantay Hanashada Himilada Umadda iyo Hoggaaminteedaba.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment